Gabar Shiinaha u dhalatay oo doorasho u taagan Mali

Gabar Shiinaha u dhalatay oo doorasho u taagan Mali

daajis.com:-Waxaa markii ugu horreysay qaaraddan Afrika iska soo sharaxday gabar u dhalatay Shiinaha.
Astan Coulibaly waxay u tartamaysaa kursi baarlamaan dalka woqooyiga Afrika ee mali.
Doorashadaas ayaa la qaban doonaa 24-ta bishan Nofembar.
Magaca gabadhan ee Shiinaha waa Yu Hongwei.

Magaalada Segou

Ninkeeda oo u dhashay dalka Mali ayay isku barteen magaalada Shangai ee dalka Shiinaha, iyadoo labaduba arday ka ahaayeen halkaas.
Astan Coulibaly waxa ay hadda ku nooshahay magaalada Segou, oo 200 oo Mayl waqooyi ka xigta magaalada Bamako, ee caasimadda Mali.
Waxay go'aansatay inay u tartanto kursi baarlamaan xisbigeeda Segou Gano, oo micnaheedu yahay waan jeclahay Segou.
Astan waxay sheegtay in dadka ay wax u qaban jirtay iyadoo ka shaqeynaysay isbitaal oo ay ku lahayd dalkaas.
Haatan waxay sheegaysaa inay doonayso inay xubin ka noqoto baarlamaanka oo ay dadka wixii ay qaban jirtay wax ka weyn u qabato.
Ciidammo caalami ah ayaa ku sugan dalka Mali si ay u sugaan ammaanka kaddib dagaallo sokeeye oo halkaas ka dhacay sanadihii la soo dhaafay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada