Daawo Muuqaal+Warbixin:- Gabar yar oo Soomaali ah oo ku nool Dalka Norway oo dhibsatey xirashada xijaabka oo ka Sheekaynaysa!!

Daawo Muuqaal+Warbixin:- Gabar yar oo Soomaali ah oo ku nool Dalka Norway oo dhibsatey xirashada xijaabka oo ka Sheekaynaysa!!

daajis.com:-Gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas Norway oo dhibsatey xirashada xijaabka ayaa waxaa la sheegay inay hab qiyaano ah oo la yaab leh ay kula dhaqameysay waalidkeed mudo ka badan ilaa iyo sadax sanadood. 
Gabadhaan oo lagu magacaabo Yaasmiin Hadaafoow oo 17 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inaysan jeclay inay xirato ama ay isturto madaxeeda laakiin waalidka dhalay gabadhaas ayaa waxaa ay kula taliyeen inay qaadaato xijaabka oo ay madaxeeda asturto iyadoona ay gabadhaas oo aan jeclayn xirashada xijaabka ay bilowday hab qiyaano ah taas oo ah inay guriga marka ay ka baxayso ay ku labisato xijaabka oo ay ku qanciso waalidkeed laakiin markii ay banaanka tagato ayey waxay iska tuurtaa xijaabkaas oo ay madaxa ay baneysataa ilaa ay ku soo noqoneyso guriga taasoo marka ay u soo dhawaanta gurigana ay sidoo kale ay mar labaad xirato xijaabka sidii qof maanta oo dhan ku labisnaa iyadoona ay arintaas qiyaanada ah ay gabadhaas ay ku waday waalidkeed mudo ilaa iyo 3 sanadood ah. 
Laakiin dhawaantaan ayaa gabadhaas waxay ku kashiftay arintaas filim ay warbaahinta dalkaas Norway soo qaadatey iyadoona ay gabar ay saaxiibo yihiin oo lagu magacaabo Amanda Ingebrigtsen ay ka samaysay sheekadaas filim islamarkaana ay gabadhaasi ay ugu soo bandhigtey waaklidkeed inaysan jacleyn inay qaadato xijaabka oo ay madaxeeda asturto, Gabadhaas ayaa waxay sheegtay inay halkaas ku soo gebagabeysay qiyaanadii ay mudo soo waday islamarkaana ay si xornimo ah ay u noolaan doonto.
Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaan Soomaaliyed ee aan jeclay qaadashada xijaabka ay ku macnaysay arintaas inaysan fahasanayenba waxa loola jeedo macnaha xijaabka iyo sababta loo qaadanaayo silamarkaana uu ula mid yahay maro madaxa la saartey oo kale, Aabaha dhalay gabadhaas oo lagu magacaabo Abuukar hadaafoow ayaa markii uu ogaaday arintaas ka muujiyey inuu ka xun yahay asagoona sheegay inuu rajaynaayo inuu arko gabadhiisa oo mar kale qaadatey xijaabka, gabadhaan ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay tahay qof muslim ah laakiin aan xijaabka un qaadaneynin ayadoo intaas raacisay inkastoo waalidkeed iyo walaalaheed aysan fikradaas gebi ahaantood ku raacsaney ay hadana tixgalin siinayaan go’aankeeda ah inay meel iska dhigto xijaabka, islamarkaana sheegtay in laga yaabo inay mar un qaadato xijaabka oo ay madaxeeda asturto.

halkan ka daawo muqalka.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada