Daawo Sawirada:- Ololeha lagu Dhisayo Buundada Bur burtay ee Gobolka Nugaal oo Bilowday, iyo Madaxweyne Faroole oo Booqday

Daawo Sawirada:- Ololeha lagu Dhisayo Buundada Bur burtay ee Gobolka Nugaal oo Bilowday, iyo Madaxweyne Faroole oo Booqday

daajis.com:-Hay’ádda waddooyinka Puntland ee NEESHA ayaa maanta si toos ah u bilowday olole ay ku dhiseyso Buunda sin u jiif ee gobolka Nugaal, taasoo ay ku xayiranyihiin bobolaal gaadiid ah oo u kala gooshayey gobollada Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa maanta booqasho ku tegey buundada, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato dhismaha Buundada, oo ah mid saameeyn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha hay’adda waddooyinka Puntland ee NEESHA Maxamuud Cabdi Nuur ayaa sheegay dhismaha buundadu uu waqti badan qaadan doono, balse ay si ku meel gaar ah ay carro u tuuri doonaan gaadiidka faraha badan ay taagan waddada geesaheeda ay u helaan meel ay maraan.

Bur burka wadada ayaa ka mida caqabada hor taagan gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay duufaanta, maadaaba waddadaasi ay ahayd wadada kaliya ee isku xirta Boosaaso iyo gobollada kale.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com









Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada