Daawo Sawirada:- Askarta Sucuudiga oo bilaabay inay sidan xun u jir dilaan Soomaalida.

Daawo Sawirada:- Askarta Sucuudiga oo bilaabay inay sidan xun u jir dilaan Soomaalida.

daajis.com:-Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa dalka Sacuudiga waxaa ka taagnaa xaalado murugo badan oo guud ahaan ajaanibta ku heysata gaar ahaan Soomaalida saameyn weyn ku yeelatay.

Dowlada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in uu dhamaaday mudadii ay dalkeeda ku sugnaan lahaayeen ajaanibtu, isla markaana ay u baahan tahay in ay dhamaan wixi sharci darro ku jooga dalalkoodii u celiso.

Soomaalida oo Sacuudiga si weyn ugu badan kana xamaasha intooda badanina ay ku joogaan sharci la’aan ayaa waxaa si weyn u sameeyay sharcigan cusub ee dowladu ku dhawaaqday, ayadoo dad badan xabsi laga buuxiyay dhawaana la filayo in Somalia loo daad gureeyo, halka kuwa kalena aysan muddo laba isbuuc ah guryaha kasoo bixin.

Si kastaba saxaafada gudaha Sucuudiga iyo tan caalamka guud ahaan ayaa il gooni ah arinkaan ku eegeysa, ayadoo lasoo bandhigay sawiro aad u naxdin badan oo muujinaya xad gudubka ka dhanka ah ajaanibta ee askarta Sucuudiyaanku kula kacayaan, sawiradaan ayaana intooda badan waxa ka dhex muuqda muwaadiniin Soomaali ah oo si xun loo jirdilay..

ARAG ARXAN DARRADA ASKARTA SUCUUDIGA




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada