Yuusuf Garaad oo ka hadlay Wasiiradii aan shalay soo xaadirin kulanka wasiirada

Yuusuf Garaad oo ka hadlay Wasiiradii aan shalay soo xaadirin kulanka wasiirada

daajis.com:-Waxaan u qabaa in dalka uu Ra’iisal Wasaare ka yahay Saacid Shirdoon, uuna sii ahaan doono ilaa uu is casilo, Madaxweynuhuna ka aqbalo. Ama uu Baarlamaanku cod aqlabiyad ah uu kalsoonida ugala noqdo. Inta labadaa middood dhacayso, waxaan u haystaa in isagu Madax u yahay Wasiirrada.

Waxaan la yaabban ahay in Wasiirro aan xilkoodii iska casilin ay haddana ka baaqsadaan fadhiga Golaha Wasiirrada ka dib markii ay ogaadeen in aan Madaxweynuhu kalsooni ku qabin Ra’iisal Wasaaraha, taasina ay gelisay baqdin ah, armaa Madaxweynuhu idinka reebaa liiska Golaha Wasiirrada cusub, haddii ay dhacdo in Saacid meesha ka baxo.

Aniga waxay iigu muuqataa fowdo in shakhsi Wasiir sheeganaya, uu damco in uu Wasaaraddiisa u maamulo sidii sharikad Madax bannaan.

Fowdadan ma aha mid ay Dowladdani billowday oo hore ayay noo soo martay, laakiin maaddaama ay tahay wax aan dhaqanka Dowladnimo meel ku lahayn, waxaa loo baahan yahay in farta lagu fiiqo dadka nidaamka xilalka ay hayaan ugu shaqeysanaya sida ayaga ay shakhsi ahaan dantoodu tahay.

Xataa mas’uul is casilay ama doorasho looga adkaaday hadduu sii haye yahay, waxaa loo baahan yahay in awaamirtiisu ay fusho.

Waxaanan u rajeynayaa in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay yaqiinsadaan in aan xaaladdan lagu sii jiri karin. Dhowr bilood oo sir aan qarsooneyn ay ahayd in Ra’iisal Wasaaruhu baxayo shaqo wanaagsani ma socon. Hadda oo ay isu caddeysteen in aanay wada shaqeyn karinna shaqo ma socoto, wixii socdaana ma waafaqsana nidaamka.

Haddii Raiisal Wasaaruhu baxana waxaa xigaya dhowr bilood oo Xukuumad cusub soo dhisiddeed iyo baarlamaanka ka dhaadhicintiisa ah.

Ammaan darrada dalka ka jirta, dhibaatada adeeg la’aanta caafimaadka iyo waxbarashada iyo weliba masiibooyinka dabiicaga ah ee duufaanta iyo daadadka midkoodna u sugi maayo oo ma oga in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay is haystaan.

Sidaa darteed waxaan rajeynayaa in ay is mariwaagan u soo af jaraan sida ugu dhakhsiyaha badan ayaga oo dalka u daneynaya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada