Daawo Sawirada:- Dalkaada Badbaadi ama Damu Jadiid u hiili -Olola la dagaalanka Damu Jadiid oo xoogeeystay.

Daawo Sawirada:- Dalkaada Badbaadi ama Damu Jadiid u hiili -Olola la dagaalanka Damu Jadiid oo xoogeeystay.

daajis.com:-Inta badan goobaha lagu wada sheekeeysto sida Faceboob iyo Twitter waxaa la soo dhigayaa erayo ka dhana Urur diimeedka Damu Jadiid oo bulshada aad uga carootay.
%85 waxay dadweynaha soo dhigayaan Internet-ka sawirada kooxda Damu Jadiid oo lagu dulqoray DALKAADA BADBAADI AMA DAMU JADIID U HIILI.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahano caana ayaa ku soo biiray ololaha la dagaalanka urur diimeedka Damu Jadiid,wuxuuna Gudoomiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyeed ku daabacay barta Google news,Twitter iyo Facebook faalo u ciwaan uga dhigay {Somali government fell in the hands of a small religious group }

Inkastoo Dowladda Qatar lacag badan siisay Damu Jadiid hadana shacabka Soomaaliyeed waxay Baarlamaanka ugu baaqayaan inaysan Masiirka ummada dhaafsan lacag oo dalkooda badbaadiyaan.

Qunsulka Safaaradda Somalia ee Kenya Siyaad Mohamud Shire ayaa boorso lacaga oo Dowladda Qatar bixisay la raacay diyaaradda African Airways,waxaana xusid mudan in lacagtaas uu safaarada Qatar ee Nairobi ka soo qaaday Fahad Yasiin si Ra'isulwasare Saacid loogu rido oo baarlamaanka loo siiyo laaluush.

Dadka siyaasadda qiimeeyo waxay saadaalinayaan in la joogo saacadahii dhamaadka xulufada Damu Jadiid maadama Madaxweyne Garguurte ku shaqeeynayo qorshe ay wataan dad aan loo dooratan Madaxweynenimada Jamhuuriyadda Somalia.


Shaqsiyaad heysta Baasabooro Ethiopian ah oo ku dhashay dhulka Gumeeysiga Ethiopia ayna ka mid yihiin Farah Topaz,Fahad Yasiin iyo Abdikarim Guled ayaa rabo inay bulshada Soomaaliyeed afduubtaan gaar ahaan xilalka sare laakiin tani waxaa ka dhalan kara halis ama qatar aan xisaabta ugu jirin. 

Fahad Yaasiin wuxuu bogiisa Twitter ku soo qoray ISBEDEL WAA LAMA HURAAN,WAXAANA DHICI DOONO ISBEDEL BALAARAN LABA TODOBAAD GUDAHOOD.

Fahad Yaasiin oo reer Aw Xasan Kalweyne u dhashay maxaa ka galay Isbedelka Xukumadda Federalka Somalia ? 

Fahad Yaasiin iyo Farah Topaz waxay reerkooda u beerayaan dakano iyo dacar ,waana hubaal inay imaan doonto maalmo reer Aw Xasan inkiraan nasabiyadooda reernimo ,hadii aysan si wadajira uga hortegin kibir qooqa iyo ilhaanada wiilashooda. 
.
Sikastaba ha ahaatee,maanta waxaa muuqdo jaaniskii lagu ciribtiri lahaa Urur diimeedka Damu Jadiid sidaas darteed Dalkaaga badbaadi oo ka qeybgal la dagaalanka Damu Jadiid ama Dulinimo qaado ee Damu Jadiid u hiili, si uu daadka bulshada kuu qaado. 
By Dahir Alasow

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada