Daawo Sawirada:- Dhalinyaro Soomaali ah oo Orod kusoo qabtay Xayawaanka Aduunyada ugu Orodka Badan Funny..

Daawo Sawirada:- Dhalinyaro Soomaali ah oo Orod kusoo qabtay Xayawaanka Aduunyada ugu Orodka Badan Funny..

daajis.com:-Dhalinyaro Soomaali ah oo kasoo jeeda Tuulada Tarbaj oo hoos tagta magaalada Wajeer Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa orod kusoo qabtay Xayawaanka Dunida ugu orodka badan ee Haram-cad.

Ilaa Afar dhalinyaro oo Soomaali ah kana mid ahaa dadka dagan Tuulada Tarbaj ayaa isku kaashaday soo qabashada Xayawaankan la tilmaamay in uu yahay kan ugu orodka badan dunida kadib markii uu dhoor Neef oo ari ah ka dilay .

Noor Cismaan Xasan oo kamid ah raga soo qabtay Xayawaankan Haram Cadka ayaa BBC-da u sheegay in ay qaati ka taagnaayeen xayawaankan kadib markii uu ka dilay dhoor Neef oo ari ah maalin kastana uu xoolahooda soo weerari jiray neefna ka dili jiray.

Ragan Orodka kusoo qabtay Haram Cadka ayaa u adeegsaday xeelad waxa ayna la sugeen xiliga ay qoraxdu kulushahay iyagoona xiligaa kadibna eryaday kuna soo qabtay meel qiyaastii u jiray halka ee ka eryadeen 7-km.

Dhalinyaradan Reer miyiga ah ee orodka kusoo qabtay Xayawaankan Haram cadka ayaa waxa ay sheegeen in uu ka dilay ilaa 15-neef oo ari ah waxa ayna dalbadeen in magdhaw laga siiyo iyagoona xiligaa kadib ku wareejiyay Haram cadka waaxda duurjoogta ee Kenya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada