DEG DEG: Cod Sir Ah” Qadar Maxay ku Bixisay Minjo Xaabinta Saacid

DEG DEG: Cod Sir Ah” Qadar Maxay ku Bixisay Minjo Xaabinta Saacid

daajis.com:-Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa soo kala dhex galay khilaaf kaasi oo ay sheegayso xogta aan helayno inay soo faragalisay dowladda dalka Qadar taasi oo dhaqaale dhan malaayiin dollar ku bixinaysa riditaanka Xukuumadda uu Hogaamiyo Shirdoon.

Laga soo bilaabo doorashadii baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dhacday 2012, waxaa si xooggan usoo shaac baxayay, inay boqortooyada Qadar lacag kor u dhaaftay 14 Malyuun oo doollarka maraykanka ah ku taageertay mudane Xassan Shiikh Maxamuud lacagtaas oo loogu iibiyay codkii xildhibaanada baarlamaanka maalmihii ”doorashadu” dhacaysay.

Inkastoo Warbixin kasoo baxday sanadkan gudihiisa Qaramada midoobay qayb kamid ah lagu sheegay doorashooyinkii ka dhacay gudaha Soomaaliya sanadkii tagay dhamaadkiisii ay jireen Masuq maasuq iyo laaluush hareeyay ayaa hadana dadka Soomaaliyeed ka dharagsanyihiin tilaabada ay laalushkaasi ku leedahay dowladda Qadar.

Iyadoo arrintaas dad badan ee bulshada soomaaliyeed aqoonyahannadeeda ka mid ahu baaritaankeeda ku hawllan yihiin, ayaa waxaa imminka mar labaad ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan, in talaadadii 12.kii bishan November 2013, garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka soo degtay diyaarad ka timid QADAR, diyaaraddaas oo sidday 2 nin oo carab ah kuwaas oo siday 4 shandadood oo lacag ah.

Ujeedaduna ay tahay arrin la xiriirta is-khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ka dhex taagan, dawladda Boqortooyada Qadarna ay lacagtaa ugu talo gashay, in laaluush loo bixiyo codadka xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyana codkooda looga iisbho si ay u ridaan dawladda.

Cabdi Faarax Shirdoon! Maamulka dalakana loogu soo ururiyo kooxda ururka DAMMU-JADIID oo firqo ka ah ururka Ikhwaanul-Muslimiin iyo Al-jamaacada Pakistaan, oo qaybteeda Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud xubno uu kamid yahay!!!

Arrintaas oo qatar weyn ku ah jiritaanka iyo madax bannaanida qaranka Soomaaliya, ayaa waxaa lagama maarmaan ah, inta si hubban loo baaro, addunweynaha si huffan loo hor dhigo, Dawlaadda boqortooyada Qadarna, haddii ay arrintaasu caddaato, dacwad Qaramada midoobay looga soo oog, si cadna loogu eedeeyo, inay ku xadgudubtay madax bannaanida Soomaaliya laguna soo maxkamadeeyo inay faraha la gashay siyaasadna ka dhigatay:

Arrintaas oo dunida xorta ah ka reeban ahna dembi dawlad kasta iyo shakhsi kasta oo mas’uul ah maxkamad lagu soo taagi karo!!!.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada