Daawa Sawirada:- Dowladda Imaaraadka Carabka oo deeq Milateri ugu deeqday Soomaaliya

Daawa Sawirada:- Dowladda Imaaraadka Carabka oo deeq Milateri ugu deeqday Soomaaliya

daajis.com:-Doowlada Imaaraadka Carabta, ayaa maanta Doowlada Federaalka Soomaaliya soo gaarsiisay deeq Milatari, oo isugu jirta Gawaari Ciidan, Dareeska Ciidanka, Dab damisyo iyo Gawaarida madaxda, gaar ahaan kuwa aan Xabada Karin.

Gawaarida Ciidanka ayaa gaaraya ilaa 10 Gaari, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Cabdi Bilaha, sidoo kale deeqda ka timid Imaaraadka, waxaa kujira, 5 Gaari oo ah kuwa aaan Xabada karin oo loogu tala galay madaxda Doowlada, sidoo kale waxaa kujira 2 Gaari oo kuwa Dab damiska ah iyo 5,000 oo dareeska Ciidamada loogu tala galay.


Munaasabado agabkaasi lagula kala wareegayay ayaa waxa ay kakala dhaceen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Dekada Muqdisho iyo xarunta safaarada Imaaraadka ee Soomaaliya ay ku leedahay, waxaana goob joog ka ahaa munaasabadahaasi uu Wasiirka Arrimaha gudaha ugala wareegayay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakii ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida,
Wasiirka Arimaha Gudaha ahna amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed, oo wafdiga Imaaraadka ka gudoomay deeqdaas,ayaa uga mahadceliyay deeqdan isugu jirta gaadiidka iyo dareeska Ciidamada, waxa uuna tilmaamay inay wax badan ku soo kordhin doonaan sugidda ammaanka dalka.

“Deeqdaan waxa tahay mid sare u qaadayso sugidda amniga, aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaya sida madaxda Imaaraadka ay u daneyneyso nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku daray.
Waa markii ugu horeeysay oo Doowlada imaaraadka Carabta ay deeq milatari soo gaarsiiso Doowlada Federaalka Soomaaliya, tan iyo wixii ka danbeeyay Bur burkii Doowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada