Daawo Sawirada:- Ra’iisul Wasaare Saacid oo Maanta Xili xaalada ku xun tahay Kulan Balaaran La Yeeshay .

Daawo Sawirada:- Ra’iisul Wasaare Saacid oo Maanta Xili xaalada ku xun tahay Kulan Balaaran La Yeeshay .

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa saaka kulan balaaran kula qaatay xafiiska Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee (SOYOU) oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Kulan kaan ayaa qayb ka ah talaabooyinkii ay xukuumadu ku dhagaysanayso fikradaha dhalinyarada si loo sameeyo barnaamij dhamaystiran oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka haysta dhalinyarada, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Shaqo la’aanta, Tahriibka, iyo ka hortaga dhalinta ku biiraysa kooxaha nabad diidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horayntii ku baraarujiyey dhalinyarada in ay qaataan kaalintooda, kuna daydaan dhalintii keentay xoriyada, ku waas oo ahaa dhalinyaro is jecel oo halkudhigooodu ahaa midnimadda iyo qaranimada Soomaaliya.

“Dhalinyarada maanta joogta waxaa saamayn balaaran ku yeeshay qabyaalada, taas oo hoos u dhigtay isku xirnaantooda, waxayna dhaawac u gaystaay in dhalinyaradu isu muujiso niyad wanaag horseedi kara in dalkaan horumar gaaro. Waxaan idinka waaninayaa dhibaatada qabyaaladdu leedahay waad aragteen waxay dhaxalsiisay dalkaan, waxaana idinku dhiiri galinayaa inaad midnimo iyo wadaniyad muujisaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare saacid oo dhanka kalana xusay in uu waajib gooni ah ka saaranyahay dhalinyarada in ay door muhiim ah ka qaataan adkeynta nabadgelyada idinkoo u muujinaya wada shaqeyn ciidamada amniga si looga hortago kooxaha caadaysatay khal-khal galinta nabada”

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku booriyey dhalinyarada inay qayb weyn ka qaataan sidii dhalinta soo koraysa looga hor istaagi lahaa in ay gacanta u galaan kooxaha nabad diidka, iyagoo wada kasta ku gaarsiinaya fariinta.

“Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya dhalinyarada, maantana waxaa jira yidi-diilo fiican, marka la eego horumarka caalamku ku tilaabsaday ee dhanka Tiknoolajiyada. Taas waxay abuuri kartaa in dhalinyaradu si fudud ku xiriiran warbaahintana isu marsiiyaan fariimaha xambaarsan midnimada, horumarka, isdhex-galka bulshada, iyo ka hortaga argagaxisada, idinkoo taa ka fa’iidaysanaya Waa in aad door muuqda ku yeelataan wacyi galinta dhalinta dalka oo ka bilaabanaysa xaafadaha aad dagan tihiin.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbayntii dhaliyarada ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha kalsoonida uu ku qabo Dastuurka in lagu xaliyo khilaafaadka jira, iyagoona muujiyey sida ay uga xunyihiin mooshinka ka dhanka ah xukuumada oo maata doodiisu ka bilaabatay golaha shacabka, waxayna ugu baaqeen Baarlamaanka inay siiyaan waqti ay ku dhamaystirto xukuumaddu howlaha balaaran ee horyaala.

Sidoo kale dhalinyarada ayaa sheegay in looga fadhiyo dowladda in ay wax weyn ka qabato baahiyaha da’yarta soo koreysa kuwaas oo u baahan waxbarasho, shaqo abuurid iyo inay helaan xarumo ay ku kulmaana kuna qaataan tababaro.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada