Daawo Sawirada:- Soomaaliya oo dib u soo nooleysay xiriirkii kala dhaxeeyey Dalka Nigeria

Daawo Sawirada:- Soomaaliya oo dib u soo nooleysay xiriirkii kala dhaxeeyey Dalka Nigeria

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Villa Somaaliya ku qaabilay Safiirka Dowladda Nigeria Mudane Akin Oyateru.

Waxaa kunalkaasi goob joog ka ahaa R/Ku Xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji a,Wasiir A.F.Okoh iyo Saraakiil sare oo booliska Najeeriya ka tirsan waxeyna muujiyeen in ay Nijeeriya ka go’antahay taageeridda dowladda Soomaaliya. Waxaa la ogyahay in kooxaha argagaxisadda ee Al-Shabaab iyo Boka Haram in uu xiriir ka dhaxeeyo .

Dowladda Nigeria ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen ciidamadii UNISOM ee sanadkii 1991 ka howl galay Soomaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu yiri “ Soomaaliya waxey ku soo jirtay dagaal muddo dheer soo socday oo la dagey dhammaan hay’adaha dowladda oo hadda aan dib-u-dhis ku wadno. Dowladda Nigeria waxey hadda qeyb ka tahay Ciidamadda booliska AMISOM.

Safiirka Nijeeriya ayaa wuxuu Madaxweynaha u gudbiyay warqad uu ka siday Madaxweynaha Nijeeriya Mudane Goodluck Jonathan taas oo lagu casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Nijeeriya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada