Daawo Sawirada:- Waqtiga Baarlamaanka ka doodayaan Mooshinka lagu Ridayo R/Wasaare Saacid oo la go'aamiyay.

Daawo Sawirada:- Waqtiga Baarlamaanka ka doodayaan Mooshinka lagu Ridayo R/Wasaare Saacid oo la go'aamiyay.

daajis.com:-Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa go'aamiyay in maalinta berito ah Baarlamaanka ay ka doodaan Mooshinka la doonayo in lagu rido R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid).

Kulan maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa isugu yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari labadiisa gudoomiye kuxigeen iyo Gudiyada Joogtada ee Baarlamaanka.

Kulankan ay maanta Yeesheen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo 15-ka Gudiyada Joogtada ee Baarlamaanka ayaa isla gartay in maalinta berito oo axad ah in Xubnaha Baarlamaanka loo gudbiyo qoraalka mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha si ay u aqristaan ugana doodaan Maalinta Isniinta ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa u jeediyay Gudiyada Baarlamaanka in ay dhax dhaxaad ka ahaadaan Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayna Xildhibaamada iska ilaaliyaan in ay Fowdo ka dhacdo Fadhiga Baarlamaanka.

Gudoonka Baarkamaanka iyo Gudiyada Joogtada ee Baarlamaanka ee maanta kulanka Xasaasiga ah yeeshay ayaa isla gartay in la dadajiyo ka doodista iyo cod u qaadista Mooshinka ka dhanka ah R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo xal kama dambeys ah looga gaaro Khilaafka u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada