DAAWO SAWIRRO:- Kulankii Xululka Somalia Iyo Brundi.

DAAWO SAWIRRO:- Kulankii Xululka Somalia Iyo Brundi.

daajis.com:-Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa guuldarro ku bilowday koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ka dib markii ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay xulka Burundi kulankii furitaanka ee Group B ee ka dhacay garoonka Machakos oo roob xoogan uu hareeyay.

Dhanka kale Daawashada Ciyaartani ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Danjiraha Soomaaliya u fadhiya kenya Maxamed Cali America ayaa joogay kulankaas
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si adag iyadoo xulkeena Somaliya iyo Burundi ay labadaba raadinayeen inay hogaanka u qabtaan ciyaarta, waxaana ay u muuqatay in qeybta hore lagu kala nasan doono barbaro goolal la’aan ah.

Laakiin waxa ay taasi isbedeshay daqiiqadii 41aad ee ciyaarta markii Burundi ay hogaanka u qabatay ciyaarta ka dib qalad daafac oo ay sameeyeen xulkeena, taasoo keentay in Christophe Nduwarugira uu hogaanka u dhiibo Burundi.

Goolkaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta. Qeybtii labaad oo rajo fiican laga lahaa in xulkeena uu ku soo laabto ciyaarta ayaa daqiiqadii 53aad ay Burundi u suurtogashay inay hogaanka dheereystaan oo ay helaan goolkoodii labaad ee ciyaarta.

Abdull Razak Fiston ayaana goolka labaad u saxiixay xulka Burundi taasoo ka dhigtay inay ciyaarta ku hogaamiyaan 2-0.

Saacad markii ay socotay ciyaarta Somalia ayaa u soo dhawaatay inay gool soo ceshtaan laakiin Saadik Abdikadir ayaa darbadiisa ay noqotay mid hareermartay goolka.

Waxaana xaalada ku sii murjiyay xulkeena roob xoogan oo ka da’ ayay Machakos, taasoo hoos u dhageysay dhaqdhaqaaqa ciyaartoyda.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay ku badisay xulka Burundi, halka xulkeena Soomaliya ay guuldarro ku bilowdeen Group B koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee ka socda dalka Kenya.

Kulanka kale ee Group B waxaa galabta isku dhegan xulalka Tanzania iyo Zambia.

Tartanka koobkaan oo la furay shalayto ayaa waxaa sidoo kale shalay la ciyaaray kulamada Group A, iyadoo Zanzibar ay ka badisay xulka South Sudan, islamarkaana Kenya iyo Ethiopia ay barbaro goolal la’aan ah ku kala baxeen.

Zanzibar ayaa group-kaan hogaamineysa iyagoo leh seddex dhibcood, halka Kenya iyo Ethiopia ay wadaagaan min hal dhibic, halka South Sudan aysan laheyn wax dhibic ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada