WAR DEG-DEG AH:- Qarax qasaare dhimasho iyo dhaawac geystey oo ka dhacay caawa magaalada Jowhar

WAR DEG-DEG AH:- Qarax qasaare dhimasho iyo dhaawac geystey oo ka dhacay caawa magaalada Jowhar

daajis.com:-Qarax bambaano oo fiidnimadii caawa ka dhacay suuqa lagu iibio jaadka ee magaalada Jowhar ayaa geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. 

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa bambaanada gacanta laga tuuro oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada oo marayay wadada, waxaana qaraxan dhaawacyo ka soo gaaray ugu geeriyootay isbitaalka magaalada Jowhar mid ka mid ah haweenka ka ganacsada qaadka ee magaalada Jowhar. 

Rasaas badan ayaa la maqlay wax yar kadib markii uu qaraxan dhacay hase yeeshee lama sheegin in wax qasaare ah oo ka soo gaaray ciidamada milatariga ah ee weerarka bamka ah lagu qaaday.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen dhalinyaro ka xamaalata suuqa jaadka waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Jowhar.

Ma jiro illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo ka hadashay qaraxan mana jirto cid loo qabtay qaraxan.

Illaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay qaraxan, hase ahaatee ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad u wanaagsanaa toddobaadyadii la soo dhaafay. 

Xaalada ayaa degen iyadoo ganacsiga iyo isu socodka dadkana uu caadi ahaa marka laga reebo dadka oo is weydiinayaa qaraxa. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada