M/WEYNE XASAN: - Dowladda waxaa ka go`an in la cirib tiro Al-shabaab

M/WEYNE XASAN: - Dowladda waxaa ka go`an in la cirib tiro Al-shabaab

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u direy dhammaan dadkii waxyeelada ka soo gaartey qaraxii maanta ka dhacay saldhiga Booliiska ee Beledweyne.


Ciidamada Dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa baaritaan wada oo ku aadan sida falka u dhacay iyo khasaaraha inta uu la egyahay iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa sababta keentay falkan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta waxyeeladu ka soo gaareen qaraxii maanta. Waxaa dhammaan shacabka ugu baaqayaa inaysan ka niyad jabin oo aysan rumeysan argagaxa ay wadaan kooxahan nabad-diidka ah.

Al-Shabaab bacdamaa looga adkaaday dagaalka ayaa waxey ka badin la’yihiin inay shacabka laayaan oo ay geliyaan argagax iyo cabsi joogta ah.
Dowladda waxaa ka go’an inay dalka ka cirib-tirto kooxahan shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada