Liiska Magacyada hoowlwadeenadii beesha Agoonyar ee Madaxweyne Garguurte ka eryay Villa Somalia

Liiska Magacyada hoowlwadeenadii beesha Agoonyar ee Madaxweyne Garguurte ka eryay Villa Somalia

daajis.com:-Warbaahinta daajis ayaa dabagal dheer kadib heshay liiska magacyada shaqaale u dhashay beesha Agoonyar ee Madaxweyne Shariif ka dhashay kuwaas oo si bahdilaada looga eryay Villa Somalia.

Masuuliyiinta u dhashay Beesha Agoonyar ee shaqada laga eryay iyadoo aan la siin Mushaar todobo bilood waxay kala yihiin:-

1-Gaashaanle Sare Mohamud BM,wuxuu heeystay ciidanka Madaxtooyada guuto ka mida,isagoo Seminaar ku maqan ayaa dharkiisa dibadda loo firdhiyay kadibna la gubay,waxaana loo sheegay inuu Madaxtooyada geli Karin {Agoonyar Harti abgaal}
2-Mohamed Sheekh Nur,Agaasimahii hoowlaha guud,.waxaa garbaha qabtay oo albaabka xoog uga saaray askar uu ku dalbaday Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Taabit Abdi Mohamed wuxuuna u dhashay {Agoonyar Harti Abgaal}
3-Shariif Sheekh Mohamud,Agaasimaha dayactirka Madaxtooyadda,wuxuu leeyahay Shirkadda Badbaado,wuxuu dayactiray Madaxtooyada,wuxuuna ku lahaa lacag dhan sedex boqol kun oo dollar laakiin qoorta ayaa laga qabtay oo xoog ayaa looga saaray Villa Somalia ,wuxuu u dhashay Agoonyar Harti Abgaal.


4-Shariif Mohamed Mohamud,Agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyadda,waxaa uu sheegay in Taabit Abdi iyo Madaxweynaha u yimaadeen loona sheegay inuu saacad gudaheed uga baxo Madaxtooyada maadama la ruqseeyay,looma sheegin sababta iyo wuxuu galabsaday,lamana siin Mushaarkiisa todobo bilood,wuxuu u dhashay Agoonyar Harti Abgaal.
5-Mukhtaar Mohamed Cadow, Madaxa Baratakoolka Madaxweynaha,waxaa maalin qura lala eryay Shariif Mohamed Mohamud ,waxayna isku yihiin Agoonyar.


6-Hassan Barre Fiidow,wuxuu ka mid ahaa Baratakoolka Madaxweynaha,waxaa lala eryay Masuuliyiinta beeshiisa loomana sheegin sababta.
7-Abdullahi Sheekh Hassan,Xoghaynta Madaxweynaha waxaa Villa Somalia laga saaray isagoo labada gacmood ka jeebeeysan wuxuuna u dhashay Agoonyar Harti Abgaal.wuxuu Abdullahi ku dooday in la siiyo Mushaarkiisa sidaas ayaana xoog loogu adeegsaday shaqo ka eryidiisa.

8-Gaashaanle dhexe Sheekh Ibrahim Mohamed Jimcale,wuxuu ahaa Nabadsugida Madaxtooyada,wuxuu u dhashay Agoonyar,waana la eryay.
9-Abdi Madoobe,Nabadsugida,wuxuu ka tirsanaa Nabadsugida Madaxweynaha,waana la eryay,isagana waa Agoonyar.



10-Asad Ali Ahmed Nabadsugida,wuxuu ahaa askari nabadsugida,waa la eryay.wuxuuna u dhashay Nabadsugid.

11-Mukhtar Ibrahim Mohamed {Jilibeey} wuxuu ahaa Darawalkii Madaxweyne Garguurte,waxaa xoog looga saaray Madaxtooyada isagoo isha ka dhaawaca.
Mukhtaar Jilibeey iyo Masuuliyiintii lala eryay waxay Madaxweynaha weydiiyeen in loo sheego dimbiga ay galeen ee shaqada looga eryay hasse yeeshee waxaa ugu jawaabay waxaad tihiin Jaajuusiin qolo kale ku xiran.

Mukhtaar wuxuu weydiistay in la siiyo mushaarkiisa todobo bilood laakiin isagoo isha ka dhaawaca ayaa xoog looga saaray Madaxtooyadda.waxaana xusid mudan in loo diiday inuu dharkiisa ka qaato xitaa.

12-Ahmed Macalin Yusuf {Darawalka labaad ee Madaxweynaha} ayuu ahaa isagana waxaa maalin qura lala eryay Mukhtaar Jilibeey,waxayna ku wada abtirsadaan Agoonyar Harti Abgaal.
13- Cayndaruus Xuseen Gacal ,oo ahaa Baratakoolka Marwooyinka Madaxweynaha.waa la eryay wuxuuna u dhashay beesha Agoonyar Harti Abgaal.
14-Abdullahi Eeboow,wuxuu qaabilsanaa tubooyinka biyaha,wuxuu u dhashay Agoonyar harti Abgaal,waana laga eryay Villa Somalia.
15-Ahmed Juumo,wuxuu ahaa Korontiistihii Madaxtooyadda,wuxuu u dhashay agoonyar waana la eryay.

Villa Somalia kama shaqeeyo ,mana joogo qof u dhashay beesha Harti Abgaal guud ahaan ,waxaana taas lagu sifeeyay bartilmaameedsigii ugu xumaa ee Madaxweyne soo maray talada Somalia uu Villa Somalia uga sifeeyo dad isku qabiila,iyadoo lagu heysto inay Madaxweynahii xilka wareejiyay ku heyb yihiin.

source:- waagacusub

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada