Daawa Sawirada:- R/wasaare Saacid oo la kulmay wafdi ka socday OIC iyo hay`ad Sucuudiyaan ah

Daawa Sawirada:- R/wasaare Saacid oo la kulmay wafdi ka socday OIC iyo hay`ad Sucuudiyaan ah

daajis.com:-Ra`iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid", ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday ururka Islaamka iyo hay`ad lagu magacaabo Al Raya International, waxayna wafdigani uga warbixiyeen RaĆ¢€™iisul Wasaaraha qodista ceelel biyood gaarayay 50 oo ay ka qodeen gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Dr. Rami Al Shamsi, waxaana sidoo kale ka mid ahaa xubaha wafdiga Dr. Ahmad Mohamed oo ah wakiilka Soomaaliya ee ururka Islaamka, iyo sidoo kale Mubarak Bakramun oo ka socday hay’adda Al Raya, iyaga oo xubnaha wafdigani sheegay in wajiga hore ee ay ku qodeen 50 ceelal, balse wajiga labaad ay qodi doonaan 100 ceel, dadka ku nool goboladu ay u helaan biyo ku filan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna uga mahadceliyay wafdigan howsha baaxada leh ee ay ka wadaan dalka, isaga oo kula taliyay in si deg deg ah ay u bilaabaan wajiga labaad ee qodista ceelashan, maadaaba buu yiri baahi weyn ay u qabaan dadka ku dhaqan gobolada helista biyo.

“Dagaalada iyo isku dhacyada ugu badan ee ka dhaca dhulka Miyiga ah waxay salka ku hayaan biyo yaraanta iyo goobaha biyaha sida ceelasha wara-biyoodyada, sidaasi owgeed waa muhiim in loo helo ceelal biyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in haddii dadku ay helaan biyo ku filan la helayo nabad iyo deganaanshiyo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada