Daawo:- Fadeexada Madaxweyne Garguurte iyo Xulufadiisa Damu Jadiid oo sameeyay Foom ay ka saxiixayaan Xildhibaanada -15000$ Laaluush

Daawo:- Fadeexada Madaxweyne Garguurte iyo Xulufadiisa Damu Jadiid oo sameeyay Foom ay ka saxiixayaan Xildhibaanada -15000$ Laaluush

daajis.com:-Madaxweyne Garguurte iyo xulufadiisa Damu Jadiid ayaa sameeyay Foom ay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia uga saxiixayaan Mooshinka kalsooni kala noqoshada Ra'isulwasare Saacid.

Xildhibaanka Foomka buuxiyo ee laga saxiixo warqada waxaa la siinayaa lacag dhan shan iyo toban kun oo Dollar ,hadii uu codeeyn waayana lacagtaas dib ayuu u celinayaa.

Waa fadeexadii ugu weyneed ee Urur diimeedka Damu Jadiid iyo Madaxweynahooda ku dhiiradaan ,iyagoo adeegsaday astaan Jamhuuriyadda Somalia.


In astaanta Qaranka Somalia loo isticmaalo xilka qaadis sharci daro iyo laaluush ku dhisan waxay ka marqaati kacday in Qaranimadii Somalia lagu tuntay laakiin nasiibdaro shacabka Soomaaliyeed ayaa ku jira hurdo dheer halkii looga fadhiyay inay qaadaan kacdoono ka dhana kooxdaan dooneysa inay talada dalka Somalia afduubtaan.


Xildhibaankii warqadaan saxiixo wuxuu noqonayaa Khaa-inul wadan ,waxaana waraaqahaan Xildhibaan walba loogu geeyay gurigiisa ama Hotelka uu degan yahay.


Fadeexadaan culus oo fikradeeda uu leeyahay Farah Topaz waxaa la sugayaa sideey bulshada uga jawaabaan

source:-waagacusub.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada