Salman Khan wuxuu iska indho tiraa la kulanka dumarkii uu saaxiibada kala'ahaan jiray ee Bollywoodka ku jira..

Salman Khan wuxuu iska indho tiraa la kulanka dumarkii uu saaxiibada kala'ahaan jiray ee Bollywoodka ku jira..

daajis.com:-Kadib markii uu Salman Khan shukaansaday gabdho dhowr ah oo Bollywoodka ku jira sida; Aishwarya Rai,Katrina Kaif, Sangeeta Bijlaniand Somi Ali, Salman Khan hada wuxuu raadinayaa xiriir dhab ah.

Asagoo ka hadlaaya talk showga Koffee with Karan,Salman ayaa qirtay inuu doonayo nolol degan iyo xiriir dhab,sidaa darteed wuxuu sheegay iney shaqeyn waayeen isku dayadiisii hore.
   


Qeyb cusub oo ka mid ah wareysigaas oo dhawaan hawada la soo gelin doono ayuu uga hadlayaa atooraha noloshiisa qaaska ah.

Warbaahinta ayaa sheegtay in atooraha uu ka fogaado la kulanka mid ka mid ah dumarkii noloshiisa soo maray,waxaana la sheegay ama inuu iska indho tiro ama uu si fudud uga fogaado inuu ka daba ordo.

Salman Khan waxaa lagu qiimeeyaa inuu yahay doobka ugu macquulsan ee wadankiisa.Wuxuu sidoo kale ku noqday wararka shukaansiga haweenka ugu quruxda badan.wuxuu dhawaan la socday Gabar Romanian ah oo lagu magacaabo Lulia Vantur,laakin wey kala hareen.

Salman Khan waxaa lagu yaqaanaa inuu ka fogaado su'aalaha la xiriira dumarkii uu la socon jiray iyo arimaha guurka,haseyeeshee dad badan waxey aad u xiiseynayaa inuu markii ugu horeysay Karan Johar kala hadli doona si furan doonistiisa ku aadan inuu helo xiriir dhab ah.

source:filmsheeg.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada