Shiinaha oo u hanjabay dalalka Maraykanka iyo Japan warbixin la xariirta arintaas

Shiinaha oo u hanjabay dalalka Maraykanka iyo Japan warbixin la xariirta arintaas

daajis.com:-Dawlada Shiinaha ayaa ku goodisay inay tilaabo ka qaadayso dawladii isku dayda inay mar dambe ku xad gudubta hawada dalkeeda gaar ahaan dhulka ay dhawaan ku dhawaaqday inuu yahay aag difaac diyaaradeed laga sameeyay.
Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa ku waramaysa in dawladu ay diyaarado dagaal u daabushay degaankaan muranku ka taagan yahay.
Afhayeenka ciidamada cirka dalka Shiinaha Col Shen Jinke ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ilaalo joogta ah ka samayn doonaan hawadooda cidii ku xad gudubtana tilaabo ay ka qaadi doonaan.
Dhawaan diyaaradaha dagaalka wadamada Maraykanka, Japan iyo Koofurta Kuuriya ayaa duulimaad aysan dawlada Shiinuhu ogeyn ku maray hawada degaankaan ay dawlada Shiinuhu sheeganayso.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada