WAR DEG-DEG AH:- Kulankii Baarlamaanka oo lagu kala dareeray, kadib buuq ka dhashay mooshinkii Saacid

WAR DEG-DEG AH:- Kulankii Baarlamaanka oo lagu kala dareeray, kadib buuq ka dhashay mooshinkii Saacid

daajis.com:-Fadhigii Baarlamaanka Soomaliya ee maanta ayaa waxaa Xildhibaanada loogu qeybiyay mooshinkii laga soo gudbiyay Ra'iisul Wasaare Saacid, iyadoo buuq iyo qeylo uu ka dhex dhaliyay Xildhibaanada, taasoo keentay in dib loogu dhigo ka doodistiisa ilaa maalinta Sabtida ee 30-ka bisha.

230 Mudane oo fadhigii maanta soo xaadiray ayaa waxaa shir guddoominayay Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo ku dhawaaqay in Baarlamaanka horyaalo mooshin laga soo gudbiyay Ra'iisul Wasaaraha.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka oo taabacsan Saacid ayaa waxay shir guddoonka ka codsadeen in 168 Xildhibaan ee soo gudbiyay mooshinka lagu lifaaqo magacyadooda iyo saxiixooda, haddii kale uu noqonayo mid sharci daro ah, taasoo buuq fara badan dhalisay.

Buuq iyo qeylo badan kadib Guddoonka Baarlamaanka wuxuu ku dhawaaqay in mooshinka laga doodi doono maalinta Sabtida ee 30-ka November, lana soo gudbin doono saxiixa iyo magacyada xildhibaanada soo gudbiyay mooshinka.

Dhinaca kale Xildhibaanadii kasoo horjeeday mooshinka Saacid ayaa waxay uu dareereen Hotel City Plaza, halkaasi oo shir ku leeyihiin, waxaana suuragal ah in ay war kasoo saaraan dhacdadani.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada