Daawo Muuqaal+Warbixin:- Haweeney xaaqi jirtay Musqusha Diyaaradaha oo heshay Dahab aad u fara badan , Yaa qaatay Dahabkii.

Daawo Muuqaal+Warbixin:- Haweeney xaaqi jirtay Musqusha Diyaaradaha oo heshay Dahab aad u fara badan , Yaa qaatay Dahabkii.

daajis.com:-Mid ka mid ah haweenka nadiifiya ama xaaqa maalin kasta Musqusha Diyaarada Jet Airways oo laga leeyahay dalka India ayaa waxa ay heshay Dahab aad u fara badan oo qiimihiisa lagu sheegay in ka badan 830.000 oo Euro. 


Diyaarada Dahabkaan faraha badan lagu soo dhex qariyay ayaa taagneeyd garoonka Diyaaradaha Kalkutta ee dalka India waxeeyna ku sii jeeday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta. Dadkii Dahabkaan musqusha ku dhex qariyay ayaa la haan shihiisa inkiray waxaana loo maleenayaa inuu ahaa Dahab si suuq madoow ah loogu waday dalalka Carabta. 

Dahabkaan oo ku jiray 2 booro waxa uu ka koobnaa 12 km waxaana iminka si toos ah ula wareegay ciidamada Booliiska dalka India. 

Haweeneydii Musqusha Diyaarada ka soo dhex heshay Dahabkaan faraha badan ayaa waxaa la siiyay abaalmarin aad u yar laguna sheegay 120 Dollar.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada