TOPNEWS:- Daawo dukumiintigii fashiliyay mooshinkii Damu Jadiid - fadeexo Xildhibaan dhintay oo liiska ku jira..?

TOPNEWS:- Daawo dukumiintigii fashiliyay mooshinkii Damu Jadiid - fadeexo Xildhibaan dhintay oo liiska ku jira..?

daajis.com:-Xiisad ka dhalatay mooshinkii fashilmay ee kooxda Damu Jadiid ayaa hareeysay Muqdisho kadib markii la ogaaday in liiska Xildhibaanada mooshinka loo gudbiyay gudoonka baarlamaanka ay ku jiraan Xildhibaano dhintay sida allaha u naxariistee Cumar Isloow.

Sida muuqato baarlamaanka Somalia wuxuu wajahayaa xaalad adag oo sababi karta inay laba garab u kala jabaan ,oo garabka taabacsan Ra'isulwasare Saacid doortaan Gudoomiye hadii Mohamed Cismaan Jawaari garwaaqsan waayo inuu ka laabto go-aankiisa qaldan.

Gudoomiye Jawaari wuxuu Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia u qeybiyay dukumiintigaan kooban ee aan laheyn lifaaqa mudanayaashii saxiixay mooshinka tiradeey yihiin iyo magacyadooda taas oo ka dhigan fadeexadii ugu xumeeyd ee taariikhda ka dhacda golaha Wakiiladda Somalia.

Gudoonka Baarlamaanka Somalia waxay doonayaan inay sabtiga bilaabaan ka doodista mooshinka iyagoo aan Mudanayaasha u qeybin liiska Xildhibaanada dalbaday mooshinka.


Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka wuxuu ku dalbaday in mudanayaasha saxiixay mooshinka farta taagaan laakiin Xildhibaanadii mucaaradka ayaa hoos u hogtay oo ku dhici waayay inay is baraxaan oo qadiyadooda cadeeystaan.

Kooxda u safan Ra'isulwasare Saacid ayaa ciyaartii golaha Wakiilad sedex iyo eber ku suuldaaray kooxda ka safneed dhinaca Damu Jadiid ,waxaana la sugayaa ciyaarta xiisaha badan ee wareega labaad maalinta sabtiga.


Kooxda Bercolana ee Ra'isulwasaare Saacid waxay ku doodayaan in liiska mudanayaasha ee loo gudbiyay gudoonka yahay mid been abuura oo xitaa lagu deray Xildhibaano dhintay iyo kuwa ka maqan dalka.

Kooxda Damu Jadiid niyad jab ayaa ku dhacay waxaana xaaladu geleeysaa jawigii is qabqabsiga,kuraas isku tumista iyo burburinta hanaanka Dowladda Somalia.

Arrimahaani waxay dhacayaan xilli gudigga dabagalka Qaramadda Midoobay ee arrimaha Somalia shalay la kulmeen Madaxweyne Garguurte,una sheegeen inay xanibayaan dhaqaalaha Dowladda Somalia ee Caalamka yaboohay hadii uusan deg deg uga laaban ololahiisa xilka qaadista Ra'isulwasare Saacid,
Gudigga Qaramadda Midoobay waxay qorshaha socda u arkaan in lagu qarinayo fadeexadii musuqmaasuqa ee Gudoomiyahii bankiga dhexe isku casishay.


source:waagacusub.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada