Daawo Sawirada:- Holland Haween Soomaaliyeed oo la baray isku filnaanshaha qaabka ay u gaari karaan..!

Daawo Sawirada:- Holland Haween Soomaaliyeed oo la baray isku filnaanshaha qaabka ay u gaari karaan..!

daajis.com:-Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland, waxaa lagu soo gaba gabeeyay Mashruuc soo socday hal Sano, kaasoo Haweenka Soomaaliyeed loo qabtay, islamarkaasna lagu barayay kobcinta Aqoontooda, is-dhex galka, iyo isku filnaasho dhinaca Nolosha ah ay ka gaaraan.

Mashruucaan, ayaa waxaa Haweenka Soomaaliyeed u qabtay Urur lagu magacaabo IFTIN oo fadhigiisu yahay Magaalada Amsterdam, iyadoona ay ka faa’ideysteen haween kor u dhaafaya illaa iyo 100-ruux.

Waxyaabaha mashruucaan ay ku barteen haweenka ayaa waxaa ka mid ahaa, Waxbarashada luuqada, is-dhexgalka Bulshada, Bar-baarinta wanaagsan ee caruurta, si ay gudaha wadanka Holland ugu dhex bilaabi lahaayeen ganacsi iyagu u gooni ah, iyo isku filnaashiyo guud ay ka gaaraan dhinaca nolosha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada