Yaab:- Tuugada Kabaha iyo taleefanada ka xadda Masjiida magaalada Gaarisa oo xal loo helay

Yaab:- Tuugada Kabaha iyo taleefanada ka xadda Masjiida magaalada Gaarisa oo xal loo helay

daajis.com:-Magaalada Gaarisa ee gobolka W/Bari Kenya waxaa ka dillaacay tuugo faraha laga qaad ah oo caadeystay inay masaajida magaaladaasi kabaha iyo taleefanada ka xadaan.

In ka badan toban masaajid oo ku yaala magaalada Gaarisa jameecada ku tukada ayaa qaati ka istaagay tuugo aan masjidaas u soo gelin inay cibaadeystaan, balse iyagu u soo gala oo kaliya inay kabaha xadaan.

Imaamyada Masaajida ayaa bilaabay inay raadiyaan xal ay tuugada uga badbaadiyaan kabaha iyo taleefanada looga xadayo masaajida, iyagoo bilaabay inay baco ku xareystaan kabahooda, hase yeeshee taasi ay socon weysay kaddib markii bacahaasi ay keeneen wasaq fara badan oo masaajida dhexdooda dhex ceegaaga.

Imaamyada Masaajida Towfiiq iyo Majeeca ee ku yaala magaalada Gaarisa oo u waramayay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dadaal dheer kaddib ay heleen xal tuugada looga badbaadinayo xadidda kabaha jameecada ku tukaneysa masaajida.

Waxay sheegeen imaamyada in sanaadiiq la dhigay masaajidda, sanaadiiqdaasi oo leh qunful iyo fure, iyadoo qof kastao o ku tukanaya masjidka qaanadiisa uu ku xiranayo kabahiisa iyo taleefankiisa.

Dhinaca kale Imaamyada ayaa ugu baaqay dadka ku tukanaya masaajida in la kordhiyo sanaadiiqda la dhigayo masaajida, iyadoo masjidka Jameeca ee ugu weyn magaalada Gaarisa la dhigay ilaa 50-sanduuq taasi oo aan ku filneyn jameecada ku tukaneysa masaajida, ayna lagama maarmaan tahay in la dhigo ilaa 500-sanduuq oo masjidkaasi markiiba ay ku tukan karaan.

By Jabriil Maxamed Nuur (Jabra)

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada