Wasiirad Fawziya oo Turkish Airlines ku qasabtay inay Visa la-aan qaado gabadh uu dhalay Qeybdiid-maxaase ku dhacay?

Wasiirad Fawziya oo Turkish Airlines ku qasabtay inay Visa la-aan qaado gabadh uu dhalay Qeybdiid-maxaase ku dhacay?

daajis.com:-Wasiiradda Arrimaha dibadda Somalia Fawziya Haji Adam ayaa Diyaaradda Turkish Airlines ku xanibtay laba saacadood garoonka Diyaaradaha Muqdisho kadib markii hoowlwadeenada diyaarada diideen inay qaadaan gabadh uu dhalay dagaal ooge Cabdi Qeybdiid.



Gabadha Qeybdiid dhalay oo lagu magacaabo Farxiya Cabdi Qeybdiid ayaa loo diiday inay ka mid noqoto wafdiga Wasiirad Fawziya maadama aysan heysan Visaha dal ku galka Biljimka hasse yeeshee Fawziya ayaa maamulka Diyaarada Turkish Airlines u sheegtay inaysan diyaarada ka duuli Karin garoonka hadii aysan ogolaan in gabadha qeybdiid wafdigeeda raacdo Visa la-aan.
Turkish Airlines oo laba saacadood ku xayirneed garoonka Muqdisho ayaa ku guuldareeystay inay wafdiga Wasiirad Fawziya ka reebaan Farxiya Qeybdiid ,waxayna si hanjabaadleh u tiri� Ra�isulwasare ku xigeen iyo Wasiir Khaarijibaan ahay,hadii diyaaradiina diido inay gabadhaan xogheynta ii ah raacdo,kuma soo laaban kartaan dalkeena�

Turkish Airlines oo habsaantay ayaa ugu dambeyn qaaday wafdigii Fawziya hasse yeeshee markii ay ka degeen Garoonka Brussels ayaa lagu dhegay Farxiya Qeybdiid oo wadatay baasaboor Somali iyo Green card Mareykan ah.
Fawziya oo wadatay British Passport ayaa la dagaalantay Boliiskii Immigration-ka,waxayna diiday in gabadha la xiro ama la geeyo qol gaara si dib loogu celsho Muqdisho.


Fawziya iyo xogheynteeda gaarkaa oo lagu magacaabo Abdi Diirshe ayaa xabsiga garoonka dhexdiisa la seexday Farxiya Qeybdiid sida ila wareedyo muhiima u sheegeen Waagacusub.

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya ayaa Waagacusub u sheegay inuu ku mashquulsan yahay sidii Visaha Farxiya Qeybdiid loo siin lahaa maadama ay ku jirto liiska wafuuda la socda Wasiirad Fawziya ee la casuumay.

Farxiya Qeybdiid oo halsano ku nooleed Magaalada San diego ee dalka Mareykanka waxay heysataa Green card kaas oo aan lagu geli Karin dalalka Yurub.

Fawziya waxay ku dooday in Farxiya tahay xogheynteeda labaad laakiin Mucaaradkeeda waxay rumeeysan yihiin inay u waday qaab tahriiba si ay iskaga dhiibto dalka Ingiriiska.

Laamaha socdaalka Yurub waxay leeyihiin madaxbanaani,waana mamnuuc in diblomaasiyiinta kaxeeystaan dad aan Visa wadan ama ogolaansha heysan.
Fawziya Haji Adam safaradeedii dibada oo dhan waxay kaxeeysay dad ay lacag ka qaadatay,iyadoo safarkii ugu dambeeyay ee Canada geysay dad iska dhiibay.

Qof ka mida dadkii Wasiirad Fawziya lacagta uga iibsatay Visaha dalalka reer galbeedka ayaa Waagacusub u sheegay inay ka qaadatay lacag dhan 20.000 $. Waa nasiibdaro in Masuul la mida Fawziya Yusuf Haji Adam lacag dhan labaatan kun ku bedesho sharafta qaranimada Somalia maadama aysan baahi u qabin lacag nuucaasa.

Si kastaba ha ahaatee,Dowlada Turkiga lama oga waxay ka yeeli doonaan xayiraada diyaaradooda lagu sameeyay iyo qasabka lagu saaray dad aan wadan Visa ama dal ku gal.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada