xog rasmi ah:- raisal wasaare saacid oo umuuqda mid kja badbaaday xil ka xayuubintii

xog rasmi ah:- raisal wasaare saacid oo umuuqda mid kja badbaaday xil ka xayuubintii

daajis.com:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax SHirdoon Saacid ayaa u muuqda mid ku guuleystay ololihii korsi ku sii adkeysashada oo uu ku howlanaa baryihii dambe.


Saacid ayaa ka guuleysanaya madaxweyne Xasan Sheekh iyo xulufadiisa kadib markii maanta madax caalami ah oo Muqdisho timaaday ay hadal la yaab leh u sheegeen madaxweynaha oo ku aadan khilaafka isaga iyo ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha waxaa loo sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu ka saxan yahay isla markaana aanan loo baahneyn khilaafka iminka ee muhiimaddu ay tahay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, waxaana warar hoose ay sheegayaan in uu fashilmay damacii xilka loga qaadayay Ra’iisul wasaaraha haatan talada haya ee Saacid Shirdoon.

DHowaan mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Dr Shirdoon Saacid ayaa la geeyay baarlamaanka Soomaalioya inkastoo qaarkood ay ka biyo diideen in haatan la rido xukuumadda jirta ee uu horkacayo Mudane Saacid.

Xildhibaannada qaar ayaa ka soo horjeestay halka kuwa kalena ay taageereen Mooshinka lagu ridayo xukuumadda Saacid iyadoo guddoonka baarlamaanka laftiisa lagu eedeynayo in ay dhinac la safteen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada