In Kabadan 50 Dukaan Oo Ganacasata Soomaali Leeyihiin Oo La Boobay Iyo Kuwa Dab La Qabadsiiyay Degaan Ku Yaala Duleedka Magalada Johannesburg.

In Kabadan 50 Dukaan Oo Ganacasata Soomaali Leeyihiin Oo La Boobay Iyo Kuwa Dab La Qabadsiiyay Degaan Ku Yaala Duleedka Magalada Johannesburg.

daajis.com:-Iyado Sadaxdii Maalin Ee Laso Dhaafay Boob Xoogan Uu Ka Socday Degaanada Ku Xeeran Magalada Johannesburg Ee Dalka Koonfur Afrika Ayaa Haatan Wali Xaalada Waxay Tahay Mid Kacsan.

Tirada Dukaamaha Ganacsi Ee La Boobay Ayaa Haatan Ku Dhow Ilaa 50 Dukaan Oo Afar Kamid Ah La Gubay Halka 200 Oo Dukaan Laga So Raray Degaanada Ay Rabshadaha Ka Socdaan Waxaana Dukaamahaasi Badankood Leh Ganacsata Soomaali Ah Halka Qaar Kamid Ahne Ay Leeyihiin Ganacta Ethiopian Iyo Bangaladhesh.

Sido Kale Wararka Laga Helaya Degaanka Weyn Ee Isku Raranka Ah Ee Soweto Ayaa Waxay Sheegayaan Il Wiil Dhalanayara Soomaali Iyo Mid U Dhashay Wadanka Malawi Oo Ay Ka Wada Shaqeeynayeen Dukaan Ganacsi Oo La Boobay La Layahay Halka Ay Ku Danbeyeen Waxana War Iyo Wacaal Ugu Danbeeysay Dhalanyaradasi Iyago Ku Dhax Sugan Dukaanka Dad Careeysane Ay Ku Harereeysanyihiin.


Rabshadaha Xoogan Ee Boobka Ganacsiyada Ajaanibta Isku Badalay Ayaa Ka Danbeeyay Kadib Markii Dadka Fuqarada Ah Ee Kaso Jeeda Qowmiyada Madow Ee Koonfur Afrika Ay Ka Cawdeen Adeegyadaa Asaasiga Ah Oo Gabaabsi Ka Ah Sida Koronto La,aanta,Biyaha Oo Aad Ugu Yar Iyo Hogya Ay Danyihiin Oo Wanaagsaneyn.


Ugu Danbeeyntii Cabsida Laga Qaba In Dalka Oo Dhan Ay Ka Bilowdaan Rabshada La Xiriira Ajaanib Naceyb ( Xenophobic attacks).Ayaa Si Kordheeysa Waxana Lo Aaneynayaa Doorashada Madaxtinimo Ee Dalka Oo So Dhow Iyo Siyaasada Iska So Horjeeda Oo Ku Loolami Doona Madama Ajaaniba Gaar Ahaan Soomaalida Ay S Weyn U Xusustaan 2008 Rabshadii Ku Saleeysanaa Ajaaniba Naceybka Xiligaas Oo Doorasha Ay Dalka Ka Dhacday.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada