Daawo Video:- A/weli Gaas: DF anigaa madalay iyaduna ima madasho.

Daawo Video:- A/weli Gaas: DF anigaa madalay iyaduna ima madasho.

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa oo ku sugan magaalada Londan, halkaasoo uu kaga qeybgalay shirkii maalgashiga Africa ayaa wuxuu ka hadlay shir kale oo Shidaalka iyi Gaaska Soomaaliya looga hadlayay, kaasoo Wasiiro ka socda Dowladda Federaalka ay madalayeen Somalia, wuxuuna sheegay in shirkaasi wax macno ah sameyneyn mar haddii Puntland aan lagu casuumin.

Cabdiweli Gaas oo u waramayay Idaacadda BBC ayaa sheegay in shirkii uu kaga qeybgalay Londan ee maalgashiga Africa inuu madalayay Soomaaliya, balse wuxuu diiday in Dowladda Federaalka ay ku madasho shirkii kale ee Shidaalka iyo Gaaska looga hadlayay ee ka dhacay isla magaalada Londan.

Wuxuuna sheegay in shirkaasi Dowladda Federaalka ka qeybgashay ee Puntland lagu casuumin in uusan macno badan sameyneyn hadeysan qeyb ka aheyn Puntland oo arintani ay quseyso, sidaasi darteedna aysan aheyn arin shaqeyneyso.

“Shirkaasi anaga kama qeybgelin, nalaguma marti qaadin, weyse aheyd in Puntland ka qeybgasho hadey dhulka shaqada laga qabanayo quseyso oo ku saabsan macdan iyo shidaal oo annaga aan ka war qabin adigaba waad ogsoon tahay inaysan shaqeyneyn, hadii la rabo in wuxu shaqeeyaan waa in heshiis lagu yahay, macna badana ma sameyneyso in Dowladda Federaalkaiyo wasiiradooda inay shirka ka qeybgalaan oo yiraahdaan Soomaali dhan ayaa wakiil ka nahay”  ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Hase ahaatee wuxuu is hilmaam siiyay Mr. Gaas hadal uu isla wareysigan uu ku sheegay in shirkii maalgashiga Africa uu Londan kaga qeybgalay inuu madalayay Soomaaliya, isagoo afkiisa ku qirtay, balse diiday in Dowladda Federaalka ay iyaduna madasho guud ahaan Soomaaliya.

Wariyaha Wareysanayay ee BBC oo ahaa C/raxmaan Koronto ayaa waxaa ka hoos baxday inuu ku celiyo su´aal dad badan xiisaynayaan oo la isweydiinayo taasoo aheyd, mar hadii aad Somalia madashay, maxaa ku diideysaa in DF iyaduna ku madasho.?



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada