Muqdisho:- Howlgal laga sameeyay goobo Shiishada lagu cabo

Muqdisho:- Howlgal laga sameeyay goobo Shiishada lagu cabo

daajis.com:- Saacadihii u danbeeyay, Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa waday howlgalo ay ka sameynayeen goobaha Shiishida lagu cabo ee ku yaal magaalada Muqdisho, iyagoo ka mamnuucayay dhalinyarada da’dooda ay ka yartahay 18-sano in ay tagaan Goobahaasi.

Howalgalkan oo lagu bartilmaameedsanayay goobaha Shiishada lagu cabo ee ku taal magaalada Muqdisho, ayaa waxay ciidamada kasoo saareen dhalinyaro aad u da´yar oo aan gaarin da´da 18 sano.

Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa u sheegay ganacsatada iska leh goobaha shiishada lagu cabo ineysan shiishad ka kireyn karin dhalinyarada qiyaas ahaan ka yar 18 sano, iyagoo ugu goodiyey haddii ay amarkaas fulin waayaan in xabsiga loo taxaabayo.

Booliska ayaa sheegay in sababta ay dhalinyarada da’ ahaan ka hooseeya 18-ka jirka ugu diidayaan isticmaalka shiishada iney tahay dhinaca caafimaadkooda, akhlaaqda iyo anshaxa, waxaana howlgaladaas kormeerayey taliyaha booliska Soomaaliyeed.


Baararka iyo goobo kale oo ku yaal magaalada Muqdisho ayaa lagu cabo Shiishada, waxaana goobahaasi camira dhalinyaro rag iyo dumar ka kooban oo intooda badan qurbaha ka tegay.

Maalmo ka hor waxaa dekadda Muqdisho lagu qabtay Labo konteenar oo khamri ah, iyadoo la daadiyay kadibna god lagu shumay dhalooyinkii khamriga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada