Xarumihii jaadka ee UK Halkee ayay ku dambeeyeen?

Xarumihii jaadka ee UK Halkee ayay ku dambeeyeen?

daajis.com:- Waxay ahayd goob qaadka lagu iibiyo laguna cuno oo ku taal bartmaha magaalada Glasgow ee dalkan UK, afar bilood ka hor intii aan laga mamnuucin qaadka Britain, laakiin waxaa hadda laga beddelay magacii, waxaana loo bixiyay Naadiga Bulshada Hooyada Afrika (Mama Africa Social Club).

Waxaa laga dhigay goob ka duwan too hore oo Soomaalida Scotland gaar ahaan kuwa deggan Glasgow ay isugu yimaadaan dhallinyaro iyo odoyaal.

Sida uu sheegayo milkiilaha goobta Axmaddeey Muxiyaddiin waxaa goobtan markii hore ay ahaan jirtay Marfish ay isugu iman jireen dhallinyarada qaadka cunta oo keliya, laakiin hadda taasi waa uu beddelay waxaana uu ka dhigay goob bulsho oo cid walba ay iman karto, waxaana hadda yimaada dad aan horey u iman jirin oo cusub.

Waxa uu sheegayaa in goobtan bulshada ee cusub ay ka qaybqaadatay is dhexgalka bulshada, tan iyo markii Jaadka la joojiyay bishii June ee sanadkan.
Mama Africa waxaa isugu yimaada kuwii qaadka cuni jiray iyo kuwa aan cunin intuba 

Naadiga Mama Afrika waxa uu hadda isku keenaa dad aan awal is arki jirin ama is dhexgeli jirin, taasi oo uu sheegay in dadka deegaanka iyo maamulka degmada ay soo dhaweeyeen.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale oo dhawaan shaqo hawleed u tahay Scotland ayaa booqday goobta oo kala sheekeystay milkiilaha goobta Axmedeey Muhidiin isbeddelka uu ka sameeyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada