Xildhibaano Baarlamaanka hortooda ka cadeeyay in ay kalaabteen Mooshinkii lagu ridi lahaa R/Wasaaraha

Xildhibaano Baarlamaanka hortooda ka cadeeyay in ay kalaabteen Mooshinkii lagu ridi lahaa R/Wasaaraha

daajis.com:-Wararka aan goordhaw ka helnay Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanadii saxiixay Mooshinka laga gudbiyay R/Wasaare Saacid ay ka laabteen Mooshinkaasi.

Markii Xildhibaanada Baarlamaanka loo qeybiyay Magacyada iyo saxiixyada Xubnaha Mooshinka Saxiixay ayaa labo kamid ah oo goobta ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ka laabteen Mooshinkaasi.

Mid kamid ah Xildhibaanada ayaa xusay in uu ka laabtay Kalsooni kala noqoshada Xukuumada Waxa uuna xusay in uu taageersan yahay in uu sii shaqeeyo R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon.

Xildhibaan kale oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in Magaciisa uu qalad yahay lagana been abuurtay isagoona xusay in uusan shaqo ku laheyn Xubnaha Baarlamaanka ee Mooshinka ka gudbiyay R/Wasaare Saacid.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka looga doodayay Mooshinka laga keenay Xukuumada R/Wasaare Saacid ayaa goordhaw ku soo dhamaaday jawi dagan iyadoona loo balamay in Maalinta Barito ah ay Xildhibaanada Doodooda si rasmi ah u bilaabato.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada