daajis.com:-Weeraryahanka Tottenham Emmanuel Adebayor ayaa raaligelin ka bixiyay sawirkii uu Twitter soo dhigay ee u muuqday inuu u dabaaldegayay guuldaradii 5-0 ee kooxdiisa ka soo gaartay Liverpool axadii.
Xiddiga reer Togo ayaa sawir la galay saaxiibkiisa kale ee Spurs ka maqan Benoit Assou-Ekotto, iyadoo labada nin ay ka careysiiyeen jamaahiirta Spurs madaama ay dhoolacadeynayeen islamarkaana ay shan farood kor u hayeen.
Laakiin Adebayor ayaa Twitter ku cadeeyay inuusan sawirkaan ila jeedin ixtiraamdarro ku wajahan kooxda waqooyiga London islamarkaana sawirka la qaaday ciyaarta ka hor.
“Waxaan ka raaligelinaa dhamaan taageerayaasha Spurs ee u qaatay sawirka anga iyo Assou-Ekotto inaan maadeys ka dhiganeynay guuldarada” ayuu soo qoray Adebayor.
“Sawirkaas waxaa la qaaday ciyaarta ka hor. Mana jirin sabab aan ku ogaan karay natiijada. Mana aanan sameyeen waligeey sidaas. Qaabka aan faraha u taagay waa sida aan mar walba sawiro u galo…”
Assou-Ekotto ayaa sidoo isna isdifaacay waxaana uu soo bandhigay sawiro la mid ah qaabkii uu sawirka kore u galay, laakiin sida Adebayor raaligelin ma uusan bixin waxaana uu weeraray taageerayaasha Spurs ee isaga weerarayay.
Waxa uu sidoo sii abuuray carro kale isniintii markii la ceyriyay AVB markaasoo uu soo qoray: “Ala maxay isniin fiican tahay!”.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:49 and have
, Published at