daajis.com:-Waxaa Maanta kulan Fashil kusoo dhamaaday Madaxtooyada Maamul Goboleedka Puntiland ee Garawe ku yeeshay Madaxweynaha Waqtigiisa sii dhamaanayo Cabdi Raxmaan Faroole iyo Qaar kamid ah Musharixiinta la tartamaysa.
Faroole iyo Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxtinimo ee Puntiland ayaa kulan toos ah waxa ay ku yeesheen Madaxtooyada iyadoona Saxaafada dibad joog laga dhigay intii uu socday kulanka si aysan u ogaan waxa laga wada hadlayo.
Musharixiinta lakulantay Faroole ayaa u gudbiyey qodobo dhawr ah, waxaana ugu muhimsanaa in guddiga Xalinta Khilaafaadka Madaxweynhu soo magacaabo 4 halka ay iyaguna soo magacaabayaan saddexda kale lana kala diro Gudigii hore Faroole u Magacaabay.
Faroole ayaa ku adkeestay in isagu xaq u lee yahay isla markaana aanu ka yeeleyn in Dib looga noqdo gudiga uu isagu soo magacaabay waxa uu sidoo kale Musharixiinta uu ka diiday dalab ahaa in la dhiso guddi Isimmo ah oo dusha kala socda Guddiga Xalinta khilaafaadka si dib loogu celin wixii la isku mariwaayo.
Markii uu Qodobadasai uu ka diiday Madaxweynaha Puntlnad Musharixiinta la tartamaysa ayaa waxaa dhacday in goobta ay isaga baxaan Musharixiinta kulanka la lahaa Faroole waxaana halkaasi ku fashilmay kulankii labada dhinac lahaayeen.
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:57 and have
, Published at