Booliska oo Qabtay Baabuur Bambo Gacmeed Looga Soo Tuuray Mid Ka Mid ah Hoteelada Ku Yaalla Wadada KM4 Muqdisho

Booliska oo Qabtay Baabuur Bambo Gacmeed Looga Soo Tuuray Mid Ka Mid ah Hoteelada Ku Yaalla Wadada KM4 Muqdisho

daajis.com:-Ciidamada amaanka ee dawlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qabteen baabuur nooca dadweynuhu raacaan ah oo marayey wadada KM4 kaasoo xilli fiidkii ah bambo laga soo dhextuuray.

Bambo gacmeedkaasi oo ruux baabuurka saarnaa uu soo tuuray ayaa ku qaraxday afaafka hore ee hotelka Saxafi oo ku yaalla Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho oo ah goob aad mashquul u ah habeen iyo maalin.
Lama sheegin wax khasaare ah oo ay geysatay bambadaasi lagu weeraray hoteelkan oo ay degan yihiin dad siyaasiyiin ah, xildhibaano baarlamaanka ku jira iyo dad kale intaba, waxaana lagu guuleystay in markiiba ay ciidamada booliska ee ku sugan isgoyska KM4 ay hareereeyaan baabuurka oo ahaa nooca basaska yar yar ee dadweynaha qaada.
Baabuurka iyo dadkii saarnaa oo uu ku jiro ninkii bambada tuuray ayaa gacanta lagu dhigay, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xarunta dambibaarista (CID) ewe ku taalla KM4 taasoo hadda lagu hayo baabuurka iyo dadkii la socday, iyadoo lagu wado baaritaan su’aalo weydiin ah.

Saraakaakiisha dambibaarista ayaa sheegay in dadka rakaabka la siideyn doono mar haddii ninkii dembiilaha ahaa ay gacanta ku dhigeen ciidamada.
Waa markii ugu horreysay oo baabuur dadweyne bambo laga dhex tuuro gudaha Muqdisho iyadoo dadweyne rakaab ah ay saaran yihiin, isla markaana ciidamada ay qabtaan.
Qaraxan bambo gacmeed ee ka dhacay isgoyska KM4 aya yimid xilli amaanka gudaha degmooyinka Muqdisho uu ka soo reynayo sidii hore isla markaana ay hoos u dheceen weeraradii joogtada ahaa ee ay kooxaha dawlada ka horjeeda qaadi jireen inta badan xilliyada habeenimada ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada