Daawo Sawirada:- Madaxweynaha oo si aan Caadi aheyn Kenya looga soo sagootiyay Muqdishana loogu soo dhaweeyay

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha oo si aan Caadi aheyn Kenya looga soo sagootiyay Muqdishana loogu soo dhaweeyay

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo ay ka mid aheyd Ra’iisul Wasaare Ku xigeeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam ayaa maanta Muqdisho ku soo laabtay ka dib markii ay Nairobi shalay uga qeybgaleen Shir Madaxeedka dalalka IGAD oo looga hadlayey arrimaha dalka South Sudan.

Madaxweynaha ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Fowzia Yusuf Haji Adam oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa ka warbixisay Shir madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay Nairobi oo ay sheegtay in Madaxda dalalka IGAD ay isku raaceen in si deg-deg ah wax looga qabto collaadaha iyo dagaalada ka jira South Sudan, isla markaana ay IGAD madaxdeedu ku guuleysteen inay la hadlaan Madaxweyn Silva Kiir iyo Madaxweyne ku xigeenkiisii hore oo ay khilaaf ba’an oo dhiig ku daatay soo kala dhexgalay. Wasiir Fowzia ayaa tiri “Madaxda IGAD waxey soo dhoweeyeen sida ay madaxda South Sudan diyaarka ugu yihiin inay wada hadlaan oo khilaafka lagu dhameeyo si nabad ah. Madaxdu waxey ammaaneen doorka uu Madaxweyne Museveni ka qaatay oo uu ciidan dhigay goobaha muhiimka ah ee dowladda South Sudan oo ka badbaadisay in hay’adahaas ay dhibaato soo gaarto.”


Fowzia ayaa sidoo kale tiri “Madaxweyn Xasan Sheekh Maxamud waxuu shirka ka sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay waxii khibrad ah iyo waayo aragnimo ah diyaar la tahay, isla markaana ka codsaday madaxda IGAD in xaalka si deg-deg ah wax looga qabto oo laga hortago inay collaadahu sii fogaadaan. Madaxweynahu waxuu sheegay inay muhiim tahay in Madaxweyne Salva Kiir iyo dowladdiisa sharciga ah ay hormuud ka noqdaan dadaalada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta oo la xoojiyo dowladnimada sharciga ah ee ka jirta South Sudan. Firka Madaxweynaha aad baa loo soo dhoweeyey laguna ammaanay.”

Shirkan madaxda IGAD ayaa waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemarian Deselegn, waxaana marti geliyey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jibuuti Ismail Omar Gelle, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni, Madaxweyne Ku xigeenka koowaad ee Sudan, Wasiirka Arrimaha dibedda ee South Sudan, Madaxa Xogheynta IGAD Eng. Mahboub, iyo madax ka socotay Midowga Afrika, waxaana goobjoogayaal ka ahaa diblomaasiyiin ay ka mid ahaayeen ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alex Rondos.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada