Cristiano Ronaldo: Ma Haysto Taleefoon Si Aan Uga Qabto Sepp Blatter

Cristiano Ronaldo: Ma Haysto Taleefoon Si Aan Uga Qabto Sepp Blatter

daajis.com:-Laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa uga faa idaysaty inuu liido madaxwaynaha FIFA Sepp Blatter waraysi uu la yeeshay wargayska Marca  kadib markii ay gudoonsiisay laacibka ugu fiican horyaalka Spain.
Sepp Blatter ayaa horay u sheegay in Ronaldo uu yahay taliye ciidan marka lagu jiro garoonka isagoona ku tilmaamay Messi wiil uu jecel yahay aabe kasto inuu dhalo asoo kale.
Blatter ayaa raali galiyay marar badan laacibka ree Portugal si uu ugu qanciyo inuu ka soo qaybgalo xaflada lagu bixinaayo xiddiga adduunka 2013.
Wariye ayaa waydiiyay Ronaldo inuu tagaayo xaflada lagu qaban doono Zurich iyo sababta uu taleefankiisa uga qaban diiday madaxwaynaha FIFA Sepp Blatter wuxuuna ku jawaabay isagoo qoslaaya: “Ma heysto taleefan, gacan yarahayga gaarka ah ayaa haya tilifoonka, lakiin anigu ma isticmaalo taleefoon.”
Wariyihii ayaa mar kale ku celiyay ma tagaysaa xaflada: ” Waxaa muhiim ii ah waqtigaan waa inaan u dabaaldago abaalmarintaan aan ka helay Marca, waxaana i farxad galinaayo shaqada wanaagsan oo ay qabteen, intaas oo kaliya ayaan ku fikirayaa waqtigaan.”
Cristiano Ronaldo ayaa laga dareemi karay inuu ka leexleexanaayo inuu ka jaawaabo su’aalaha la weydiinaayay xili FIFA ay xooga saarayso in Ronaldo uu ka soo qaybgalo xaflada lagu bixinaayo xiddiga addunka 2013.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada