Daawo Sawirada:- Shacabka Muqdisho oo si toos ula xiriira xarunta gurmadka deg dega ee 888

Daawo Sawirada:- Shacabka Muqdisho oo si toos ula xiriira xarunta gurmadka deg dega ee 888

daajis.com:-Magaalada Muqdisho oo bishii hore laga hirgeliyay Lambarka gurmadka deg dega ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed horay u lahaa ee 888 ayaa wax badan kusoo kordhiyay nidaamka xaaladaha deg dega ee Muqdisho ka dhaca.

Warbixin ay ka diyaarisay wakaaladda wararka ee AFP ayaa iyadoo soo xiganeyso mid ka mid ah howlwadeenada xirfada u leh adeega deg dega ee 888, horayna ugu soo shaqeeyay 1991-kii wixii ka horeeyay ayaa sheegay in maalintii ay kusoo dhacaanka xarunta 888 taleefano fara badan oo dadka ay kusoo wargeliyaan xaalado jiro.

 "Maalintii waxaa ka jawaabnaa taleefano badan, oo dadka nagu weydiinayaan waxa aan ka caawin karno" sidaasi waxaa yiri Farah oo 46 sano jir horay horayna ugu soo shaqeeyay dowladdii kacaanka, haddana ah madaxa xiriirka ciidamada Booliska ee 888.

Wuxuu sheegay farah in mudo bil ah oo lambarka gurmadka deg dega ee 888 uu shaqeynayay in ay heleen 40 taleefan oo lagu soo wargeliyay arrimo halis badan oo Booliska ay wax ka qabteen.

Wuxuu kaloo sheegay in maalin walba ay dadka kusoo wargeliyaan xaalado qatar badan, iyagoo soo garaacaya Lambarka 888 oo ah mid lacag qofka ka baxeyn, marka uu soo waco.

Tallaabadani ayaa mid wax badan ka qabaneysa xaalada amaan daro ee Muqdisho iyo isku xerka shacabka iyo hay´addaha amaanka dalka.

Soomaaliya waxay laheyd adeegyo kala duwan oo gurmadka deg dega sida kan shilalka marka ay dhacaan ee 777 iyo midka dabka dhaco lasoo waco ee 555, inkastoo labadaasi lambar weli la howlgelin, balse qorshuhu yahay in dib loo howlgeliyo.

23 sano ee burburka dowlad la´aanta ka jirtay dalka adeegaan iyo kuwa la midka ah kama shaqeyn dalka, waxayna tallaabadani ay muujineysaa dib u soo nooleynta adeegyadii bulshada iyo xiriirka Booliska Soomaaliyeed ka dhaxeeyay.  
 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada