Daawo:- Kullankii Baarlamaanka iyo doodii mooshinka R/wasaare Saacid

Daawo:- Kullankii Baarlamaanka iyo doodii mooshinka R/wasaare Saacid

daajis.com:-Kullankii Baarlamaanka maanta isugu yimaadeen oo ahaa mid aad u xasaasinaa ayaa waxaa looga dooday mooshinka laga soo gudbiyay Ra´iisul Wasaare Saacid, iyadoo madasha ay ka hadleen 35 Mudane oo ka mid ah xubnihii shalay is qoray, waxaana harsan oo 52 Mudane oo beri loo balamay iney soo wadaan dooda.

Furitaankii shirka Baarlamaanka ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan jawaari sheegay in Ra´iisul Wasaaraha oo dalbaday in uu horyimaado Baarlmaanka, hase ahaatee taasi uu buuq ka dhashay, waxaana markii danbe cod loo qaaday inuu horyimaado si uu u jeediyo kalmad hase ahaatee ay diideen Xildhibaanada oo cod aqlabiyad leh ku diiday.

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta ayaa mararka qaar buuq galayay, iyadoo Xildhibaanada taageersan Ra'iisul Wasaaraha ay ku doodayeen in mooshinka sharci daro yahay, iyagoo tallaabo aad u xun ku sifeeyay in Ra'iisul Wasaaraha loo diido iuu hor yimaado Baarlamaanka si uu isu difaaco.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeeda Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay Xukuumada in aanay waxba qaban, isla markaana ay muhiim tahay in Baarlamaanka uu eryo.


Beri ayaa loo balamay in lasii ambaqaado dooda laga leeyahay mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra´iisul Wasaare Saacid.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada