DAAWO VIDEO:- Malawi oo iibsatay Doomo & Maraakiib ay kaga hortagto Soomaalida Tahriibka

DAAWO VIDEO:- Malawi oo iibsatay Doomo & Maraakiib ay kaga hortagto Soomaalida Tahriibka

daajis.com:-Haweeneydaa M/weynaha ka ah Dalka Malawi, ayaa sheegtay in Doomo & Maraakiib Dagaal oo dhawaan loo iibiyay Miitariga Dalkaas, ay tahay sababta ugu weyn ee loo iibiyay in looga hortago qulqulka Tahriibayaal Soomaaliyeed oo dalkaasi si dhuumaaleysi ah ku gala.

Joyce, ayaa sheegtay inay jiraan dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo galay dalkaasi, kadibna iibsaday Passport-ka dalkaasi, oo kasii dhaqaaqay dalka Malawi gaarayna dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, taasina ay tahay sababta ku dhalisay inay Soomaalida iska xakameeyaan.

"Miyaad garanaysaa waxa dalkaani kasocda, Soomaalida waxay imaanayaan dalkani, tani waa arin aad qatar u ah, waxaan weydiisanay dhamaan saaxiibadeena doomo aan ku ilaalino harada laga soo gudbayo, xuduudaheena waa kuwo daldaloolo badan leh" ayay tiri madaxweyne Joyce.

Iibsiga Doomahaan, ayaa muran xoogan ka dhex dhaliyay Doowlada Malawi iyo deeq bixiyaasha, sida Bangiga aduunka, waxaana Dowladda Malawi lagu eedeeyay ineey ku tagri faleyso qarashka dalkaasi, xili dhaqaalaha uu aad u liito.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada