Daawo Sawirada:- Xulka Dalkeena Soomaaliya Oo Maanta Wacdarro ka Dhigay Ciyaartii ay la ciyaareen Tanzaniya

Daawo Sawirada:- Xulka Dalkeena Soomaaliya Oo Maanta Wacdarro ka Dhigay Ciyaartii ay la ciyaareen Tanzaniya

daajis.com:-Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa maanta ciyaaray mid ka mid ah kulamadoodii ugu fiicnaa ee muddo dheer inkastoo guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay xulka aadka loo qimeeyo ee Tanzania kulanka labaad ee Group B ee koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Xiddigaha xulkeena ayaa weeraro kaga yaabsaday Tanzania kuwaasoo uu ku dhacay jahwareer iyagoo la yaab ay ku aheyd weerarada isdaba jooga ah ee uga imaanayay Ocean Stars.

Waxaana Somaliya oo u ciyaareysa si aad loo jecleystay islamarkaana ay ka danbeeyeen taageeraayaasha baaxada balaarnaa ee soo xaadiray Nyanyo National Stadium ay barbaro goolal la’aan ah ku kala nasteen xulka Tanzania, natiijadaasoo aad uga fogeyd sida ay ciyaarta u socotay.

Nasiibdarro daqiiqadii 57aad ee ciyaarta ayaa Tanzania ay heleen goolka guusha oo uu u saxiixay Chanongo, laakiin taasi ma aysan hakin xulka Soomaaliya oo uu nasiibka saacidi waayay maanta.

Waxaana ay ciyaarta ku soo idlaatay 1-0 oo ay Tanzania ku badisay kuwaasoo haatan leh 4 dhibcood ka dib labo kulan oo ay ciyaareen, Somaliya wax dhibic ah ma lahan waxaana ay u hooseyaan group-ka iyadoo kulankooda ugu danbeeya la ciyaari doona Zambia.

W/Q Saed Mohamed Balaleti_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada