DAAWO VIDEO:- Burcad Si qasab ah Timaha Dumarka kaga Jara oo ka dilaacay dalka Venezuela

DAAWO VIDEO:- Burcad Si qasab ah Timaha Dumarka kaga Jara oo ka dilaacay dalka Venezuela

daajis.com:-Burcad cusub ayaa waxa ay ka dilaaceen dalka Venezuala kuwaas oo dhibaateeya Dumarka udhashay dalkaasi Venezuela isla markaana ka afduubta wadooyinka iyagoo si qasab ah kaga jaraya Timahooda. 

Dhacdadaan ayaa waxa ay cabsi fara badan ku abuurtaydumarka ku dhaqan dalkaasi Venezuela oo ay haatan lasoo deristay cabsi balaaran iyaga oo aan awood u lehayn haatan in ay sii daystaan Timo dhaadheer taa oo keeni karta in bartilmaameed ay ka dhigtaan tuugada Timaha Dumarka usoo dhigatay.

Tuugadaan ayaa ku hubaysan qoryaha fudfudud iyo maqasyo waxaana la sheegay in goobaha Dumarka lagu qurxiyo gabi ahaanba la hor dhigay Ciidamo boolis ah oo iyagu ka ilaaliya tuugada ugaarsiga ugu jirta Timaha Dumarka dalkaasi Venezuela. Timaha tuugadaasi ay sida qasabka ah kaga jaraan dumarka dalkasi ku dhaqan ayaa la sheegay in siyaabo kala duwan loo adeegsado,waxayna ka qaalisan yihiin kuwa bacriiminta ah ee ay soo saaraan shirkadaha. 

Arrinkaan cusub ayaa waxa ay ku qasabtay Dumarka qaarkood in ay iska xiiraan Timaha halka kuwa kalana ay dhulka iska dhigeen AMA ay iska gaagaabiyeen.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada