Guur Macno Ku Fadhiya "Naag guursatay Nin Cuuryaan ah"

Guur Macno Ku Fadhiya "Naag guursatay Nin Cuuryaan ah"

daajis.com:->Kadib Barashada lamaanaha waa kuwa isla soo mara dhib iyo dheef waqtiyada ay kalsooni helaana waa kuwa aanan jirin wax soo kala dhex gali kara si wada jir ahna ula dagaalama Shakiga iyo nux nuxda jirta
Lamaanayaasha Sergeant Rick iyo Leanne Isaacs oo Jaceylkoodu gaaray meel aad u sareeysa ayaa mar qura waxa ay Dowlada Ingiriisku kala dheereysay qolfahooda , waxaana Wiilka loo diray Xalinta dagaalada ka socda Taliban.

Mudo kadib labadani lamaane waxa ay ahaayeen kuwa kuwada haasaha aaladaha kala gadisan marnaba ma aysan tabin cidlo iyo kala dheeraansho qalbiyadooda isma aysan ilaawin.


Ugu danbeyn Wiilkii waxa uu ilaah qadaray in uu Labadiisa luguud kuwaayo dagaal ka dhacay Afqaanistaan ee uu markaasi u joogay nabad usoo celinta .

Nasiib wanaag markii uu dib dalkii Ingiriiska ugu soo laabtay waxba iskama badalin Lamaantiisa waxaana Ugu danbeyn ay asbuucii lasoo dhaafay dhigteen Aroos aad uga duwnaa kuwa maalin walbo caalamka ka dhex dhaca.

Haweeneyda oo hadalo qiiro leh ka jeedisay goobta ayaa sheegtay in uusan Jaceylku marnaba guurin shalay quruxdiisa iyo dhal dhalaalkiisa ma’aanan jeclaan ee qalbigiisa saafiga ah ayaan doortay maantana waxba iskama eysan badalin hadafkeyga.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada