Daawo Sawirada:- Dibad baxyo rabshada wata oo xiligan kasoconaya Magaalada Baladweyn

Daawo Sawirada:- Dibad baxyo rabshada wata oo xiligan kasoconaya Magaalada Baladweyn

daajis.com:-Waxaa Maanta dibad baxyo rabshado wata ay ka bilowdeen Qeybo badan oo kamid ah Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaa oo lasoo sheegayo ilaa xiligan in uu soconayo.

Dibad baxyada waxaa dhigaya shacab careesan oo ku dhaqan Magaalada Baladweyn kuwaa oo ka carooday dil habeenkii xalay Magaalada Baladweyn loogu geestay Sargaal sare oo horey uga tirsanaa Dowladii kacaanka iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Shacabka careesan ee dhigaya Dibad baxyada ayaa tuuraya dhagxaan waxa sidoo kale taayaro ku gubeen laamiyada Magaaladasi iyagoo sidoo kale xiray wadooyin muhiim ah oo mara Magaalada Baladweyn.

Waxaa inta badan maanta xiran goobaha ganacsi ee Magaalada Baladweyn gaar ahaan goobaha ay dibad baxyadu kasocdaan waxaana inta badan xaafadaha Magaalada Baladweyn lagu arkayaa dad careesan oo dhagxaan ku tuuraya xarumaha dowlada iyo goobo kale oo Muhiim ah.

Meelaha qaar ayaa laga maqlayaa Rasaas goos goos ah ay ridayaan Ciidamada Dowlada kuwaa oo isku dayaya in ay kala eryaan shacabka tirada badan ee dhigaya dibad baxyada rabshadaha wata.

Dibad baxan ayaa ka dambeeyay kadib markii habenkii xalay Magaalada Baladweyn lagu dilay Sargaal si weyn magaalada looga yaqaanay kaa oo dilkiisa Taliyaha Booliiska Saldhiga Baladweyn ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen ciidamo katirsan Milatariga.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada