Daawo Video:-Maxkamada oo Xukuntay Gabadhii Sheegtay In la Kufsaday & Wariyaal “Sidee wax udhaceen!!

Daawo Video:-Maxkamada oo Xukuntay Gabadhii Sheegtay In la Kufsaday & Wariyaal “Sidee wax udhaceen!!

daajis.com:-Waxaa goordhow la soo gabagabeeyay dacwad maalmahan ka socotay maxkamadda gobalka Banaadir oo ku aadan gabar suxufiyad ah oo sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii wareysta. 


Gudddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay ugu horreyn in agaasimaha Idaacadda Shabeelle lagu xukumay hal sanno oo xarig isla markaana uu iibsan karo. 

Sidoo kale Xaashi wuxuu sheegay in gabadha suxufiyada ee sheegtay in la kufsaday lagu xukumay lix bilood oo xarig ah oo dibed joog ah. 

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka soo muuqday muuqalka gabadha la warestay ayaa isna lagu xukumay lix bilood oo xarig waxaana la sheegay in uu iibsan karo. 

Guddoomiyaha muusan sheegin lacagta lagu iibsan karo xarigga agaasimaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalin Yuusuf Maxamuud iyo Wariye Maxamed Bashiir Xaashi. 

Si kastaba, waxaa maxkamada ka hadlay qareenada u doodda gabadha dhibanaha iyo wariye Maxamed Bashiir Xaashii oo wareytay gabadha suxufiyada ee lagu magacaabo Faadumo Cabduqaadir Xasan. 

Qareenada ayaa sheegay in la kufsaday gabadha oo ay kufsadeen wariyaasha kala ah Cabdicasiir Maxamuud Guuleed “Afrika” iyo Jibriil Maxamed oo ah sawir qaade ka tirsan Radio Muqdisho. 

Mid ka mid ah qareenada u dooddaya gabadha dhibanaha iyo wariyaha ayaa maxkamadda laga saaray. Intaa kaddib waxaa goobta ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Cabduqaadir Maxamed wuxuu maxkamadda ka sheegay in dhammaan kiisan uu yahay mid la soo dhoodhoobay oo lagu doonayo dane kale. 

Wuxuu tilmaamay in gabadha la baaray oo lagu waayay wax kufsi sida uu goobta ka sheegay,Intaa kaddib waxaa kaloo maxkamadda ay dhageysatay dacwad loo heesto mulkiilaha Idaacadda Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, waxaana lagu soo eedeeyay in uu Idaacadda Shabeelle iyo idaacad oo lagu magacaabo SKY uu adeegsaday in lagu dumiyo qaranka iyo maslada shacabka Soomaaliya 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada