Daawo Sawirada:- Guri kuyaala Magaalada London oo loo aqoonsaday kan ugu qaalisan dalkaasi kadib markii lagu iibsaday..

Daawo Sawirada:- Guri kuyaala Magaalada London oo loo aqoonsaday kan ugu qaalisan dalkaasi kadib markii lagu iibsaday..

daajis.com:-Guri kuyaala Magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska ayaa loo aqoonsanday in uu yahay kan ugu qaalisan dalkaasi kadib markii lacag aan caadi aheyn uu gurigaasi dhawaan kala baxay qof aan wali heybtiisa la garan.

Jariidada Daily Mail oo Warbixintan qortay ayaa ku warantay Guri kuyaala Dhismo dabaq ah in dhawaan lagu iibsaday lacagtii ugu badneed ee Taarikhda inta la ogyahay Dalka Ingiriiska kaasoo hada noqday guriga ugu qaalisan gudaha Dalkaas.

Gurigan oo ah mid qurux badan wax walbana u dhameestiran yihiin kuna dhax yaal dhismo Dabaq dheer ayaa lagu iibsaday lacag gaareysa 27-Milion oo Gini, Gurigan ayaaan Baaxad ahaan waxa uu ku fadhiyaa 4,200 Sq/Ft.

Dhismaha Gurigan qaaliga ah ayaa ka tirsan Dabaq aad u dheer oo la dhisay sanadii 2011-kii, waxaana dabaqan ku yaala 86-Filo oo lamid ah guriga hada la iibsaday waxaana mid kasta oo kamid ah Filooyinkaas lagu doonayaan lacag dhan 27-Milion oo Gini.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada