Dr. Jamaal Barrow oo maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Japan + Sawiro

Dr. Jamaal Barrow oo maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Japan + Sawiro

daajis.com:-Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Jamaal Mohamed Barrow ayaa maanta ku qaabilay Magaalada Muqdisho Hideo Eguchi oo ah Wakiilka bariga afrika ee Wakaaladda iskaashiga caalamiga ee dowladda Japan (JICA) , oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u dhiska iyo hurumarinta .


Dr. Jamaal Barrow ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay lataliyeyaasha dhinacyada horumarinta xiriirka Caalamiga iyo qorsheynta siyaasadda ee Wasaaradda Hussein Elabe Fahiye iyo Mohamud Muse Tarey, waxaana looga dooday madashaasi kaalinta dowladda Japan ee ku aadan dib u dhiska dalka,maalgeshiga iyo horumarinta xiriirka labada dal .

Kulankani ayaa waxa uu imaanayaa xilli 18 xubnood oo kala matalayay hey’adaha kala duwan ee dowladda ay howlo shaqo u tageen bishii hore ee November Magaalooyinka Tokyo ,Yokohama  iyo Sendai , iyaga oo  booqasho loo kala geeyay xarumaha ganacsiga , warshadaha,dekedaha iyo goobaha Tsunami-ga uu saameeyay ee dalkaasi Japan .
Xiriirka Soomaaliya iyo Japan oo dhinacyo badan leh ayaa soo taxanaa muddo aad u fog , waxaana  xusid mudan in xiriirkaasi uu sii xoogeystay  sanadihii dambe .


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada