VIDEO:- Sh. Maxamed Idiris oo maxkamad culus ku socoto una baahan in la taageero

VIDEO:- Sh. Maxamed Idiris oo maxkamad culus ku socoto una baahan in la taageero


daajis.com:-Sheekh Axmad Nuur oo ka mid ah Culumaada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameeriko ayaa ka hadlay dacwada ku socoto Sheekh Maxamed Idiris iyo difaaca qof walba oo Soomaaliyeed loogu baahan yahay in uu ka qeyb qaato, si loogu guuleysto dacwada ku socoto Sheekh Maxamed Idiris, taasoo ay Dowladda Mareykanka ku dooneyso iney kaga naqsato aqoonsiga dhalashada Mareykanka.

Dacwada Sheekh Maxamed Idiris ayaa la xiriirto shaki ay dowladda Mareykanka ka qabto in uu ka mid yahay wax ay ugu yeeraan reer galbAeedka Mintideynta iyo kooxaha dadka Tashkiiliya ee xiriirka la leh arrimaha argagixisada, hase ahaatee uu beri ka yahay Wadaadka, dadkana ku tashkiiliyo Diintooda wanaagsan iyo reebida xumaanta, kuna taagan yahay jidka alle faray ee diinteena qabto.

Dacwada Sheekh Maxamed Idiris ayaa ah mid meel xasaasi ah taagan, una baahan in laga wada qeyb qaato sidii loo difaaci lahaa, iyadoo qof walbo oo Soomaaliyeed loogu baahan yahay inuu bixiyo wixii uu awooda ee qarash ah, maadaama qareenka u doodaya qarashka ku baxay ilaa hadda ay tahay 50.000 Dollar lana qiyaasay iney gaareyso 250.000 Kun dollarka Mareykanka.

Qofkii diyaar u ah inuu wax ku tabaruco difaaca wadaadka wuxuu booqanayaa Bogga Difaaca Sh. Idris:  shidrislf.com .




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada