DAAWO SAWIRRO Jigjiga:- Xuskii Qowmiyadaha dalka Itoobiya oo soo xermay,.

DAAWO SAWIRRO Jigjiga:- Xuskii Qowmiyadaha dalka Itoobiya oo soo xermay,.

daajis.com:-Xarunta Dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa maanta waxaa lagu qabtay xuska 8-aad ee Qowmiyadaha dalka Itoobiya, iyadoo shirkani uu yahay mid sanad walba 29-ka bisha Hiidhaar 2006-da ee taariikhda Itoobiya, la qabto.

Munaasabadani oo aheyd mid si weyn looga soo shaqeeyay ayaa waxaa kasoo qeybgalay wufuud heer caalami ah, madaxda 9 maamul Federaal ee Itoobiya, madaxda Soomaalida , Guddoomiyaha Baarlamaanada Kenya, Rwanda iyo wafuud kale.

Munaasabada ayaa 90-ka qowmiyadood ee Itoobiya ka kooban tahay waxay kusoo bandhigeen hidaha iyo dhaqanka mid walba u gaarka ah iyo ciyaaro kala duwan oo kasoo qeybgalayaasha soo jiidatay, waxaana khudbado kala duwan kasoo jeediyay madaxdii kasoo qeybgashay.


Hadal kooban oo furitaanka xaflada uu ka jeediyay Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa wuxuu hambalyo ku aaddan munaasabadan u diray dhamaan qowmiyadaha kala duwan ee ku wada nool Itoobiya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ahaa Madaxdii kasoo qeybgashay, ahaana qofka kaliya ee Afka Soomaali kula hadla kasoo qeybgalayaasha ayaa u hambalyeeyay qowmiyadaha Itoobiya isagoo salaan uu ka siday shacabka Jabuuti gaarsiiyay shacabka Itoobiya.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn,ayaa isna hambalyo u diray qowmiyadaha Itoobiya ku nool, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Males Zanawi oo uu ku sheegay maskaxdii ka dambeysay in Itoobiya ay ku tallaabsato hormar caynkan oo kale ah.

Kasoo qeybgalayaasha munaasabadan ayaa aad u soo jiidatay Kooxda hiddaha iyo dhaqanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo goobta kusoo bandhigay dhiisha caanaha oo ahayd mid aad u weyn, isla markaana lahayd sagaal ilood oo loogu tala galay in caanaha laga wada cabbo, iyadoo ujeedka laga lahaa ay ahayd in dhammaan qowmiyadaha dalkan ay helaan fursado isku wada mid ah, gaar ahaan dhinaca qayb-sashada kheyraadka dalka.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn looga shaqeeyay ayaa waxay kusoo gabagabowday jawi nabadeed, iyadoo amaankuna uu ahaa mid aad loo adkeeyay, waana markii ugu horeysay ee Jigjiga lagu qabto xuska qowmiyadaha dalka Itoobiya.   
















_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada