DAAWO SAWIRRADA:- Mas'uul u istaagay dayactirka Safaaradda Brussels, laakiin waa qabow Kuleyliso ma leh

DAAWO SAWIRRADA:- Mas'uul u istaagay dayactirka Safaaradda Brussels, laakiin waa qabow Kuleyliso ma leh

daajis.com:-La taliyaha 1-aad ee safaaradda Soomaalida ee Biljamka (First Counselor) Cali Maxamedd Abuukar (Cali Wolf) ayaa ka warbixiyey adeegyada safaaradu u qabato Soomaalida ku dhaqan Yurub, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in dib u howlgelinta safaaradda Soomaalida ee Brussels ay tahay tillaabo ay ku diirsadeen Soomaalida ku dhaqan Yurub oo ku soo hirta safaaradd. 

Cali Wolf, wuxuu kale oo xusay in dhinaca siyaasadda ay safaaraddu ka shaqeyneyso in dowladda Soomaaliya ay hesho fursad ay dib ugu soo laabato fagaraayaasha caalamiga ah oo ay muddo dheer ka maqneyd, wuxuuna dalka Biljamka ku tilmaamay dal istaraatiiji ahaan macno weyn ugu fadhiya Yurub, oo ay ku kulmaan dhacaan inta badan kulamada ay yeelanayaan dalalka aku midoobay Midowga Yurub (EU).
Cali Wolf oo saxaafadda la hadlay wuxuu kaloo sheegay in safaaraddu aysan qaban karin howlihii loogu talogalay in ay qabato safaarad ahaan, sababtuna ay tahay iyadoo qeybo badan oo ay ka mid tahay qeybta Viisaha aaney weli howlgelin.

"Isbeddelka dhinaca horumarka ah ee dalka ka jira wuxuu sahlayaa in ajnabi fara badan ay daneynayaan in ay Soomaaliya u safraan, waxeyna mar walba na soo weydiistaan dal ku gal (Viso)`` ayuu yiri Cali Wolf, wuxuuna intaa ku daray in shirkado Yurub ah in ay indhaha ku hayaan Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin in ay maalgelin ku sameeyaan.
"Safaaraddu Soomaalida waxey ka caawisaa (Soomaalida marka aan ku leeyahay waxaan ka wadaa Soomalida deggan Jamhuuriyadda Soomaliya) in ay helaan dukumintiyada sida baasaboorka, warqadaha aqoonsiga, sugnaanta dhalashada & sharciyeynta warqadaha nikaaxa`` ayuu yiri Cali Wolf.
"Qof kasta oo na yiraa Soomaali baan ahay aqoonsi ma siinee, waxaan la yeelanaa wareysi, howshaasna waxaa u xilsaaran saraakiil gaar ah"

Cali wuxuu ammaan u jeediyey Axmed Warsame oo ka mid ahaa howl-wadeenadii safaaradda Biljamka ka hor burburkii dowladdii dhexe, isaga oo ku tilmaamay in uu tusaale fiican u noqon karo Soomaali fara badan, gaar ahaan Soomaalida qurbaha ku dhaqan.
"Axmed Warsame isaga oo dhalinyaro ah ayuu fursad u helay in dowladdii Soomaaliya ay u soo dirto halkan, wuxuuna ka mid ahaa madaxdii ka shaqeyn jirtay safaaradda" ayuu yiri Xoghaye Cali Wolf, isaga intaa ku daray in markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay in hantidii Soomaaliya dibedda u tiilay in ay meel cidlo ah ku soo dhacday.

"Markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay dhismaha safaaaradda waxaa deegaan ka dhigtay dadyow qaxooti ah oo dalal kala duwan u dhashay, waxaana marar badan la isku dayey in si sharci darro ah lagu iibsado, hasse ahaatee waxaa u istaagay Axmed Warsame oo gaashaanka u duruuray in uu dhismayaashii dowladdii Soomaaliya ay ku laheyd Biljamka inaan la dhicin, wuxuuna hantidiisa u huray inuu badbaadiyo hantidii Qaranka, maadaama isaguba uu ahaa wiil uu Qaranku dhalay, waxna ku soo bartay hantidii Qaranka" ayuu yiri Cali Wolf, wuxuuna xusay in xilligan hadda la joogoo Axmd.
"Guriga safaaradda muddo ka badan 23 sanno wax dayactir ah ma hellin, daaqadihii waa burbureen, qolka aan ku shaqeynayo ma lahan kuleeyliye (heater), waad u jeedaa inaan jaakad wato, Axmed isaga oo aan ciddina dirin ayuu is-xilqaamay wuxuu bedelay muraayadihii, wuxuu bedelay dhammaan daaqadihii burbursanaa, isagoo muujiyey xilkasnimo, waxaan dhihi karaa Soomaali badan ayuu tusaale (role model) u yahay" ayuu yiri Cali Wolf, wuxuuna xusay in Soomaalida qurba-joogta ah looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan dib u dhiska & dayactirka safaaradda.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada